Khilaaf Cashuureed Oo Ka Dhex Istaadhmay Maayarka Hargeysa Iyo Shirkadaha Biyaha & Sharaabka

0
568

Hargeysa(Geeska)-Khilaaf ayaa ka dhex istaadhmay dawladda hoose ee Hargeysa iyo qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland, gaar ahaan shirkadaha soo saara biyaha iyo sharaabka.

1

Kulan saacado qaatay oo shalay ka dhacay xarunta wasaaradda daakhiliga oo dhex maray maayarka Hargeysa iyo ganacsatada, ayaa yimid markii ay ganacsatadu ka biyo diideen cashuur ay dawladda Hoose ku soo rogtay oo ay sharci darro ku tilmaameen.

Kulanka oo ahaa mid xiisadiisu kacsanayd, ayaanay wax natiijo ahi ka soo bixin ka dib markii la isku af garan waayay.

Maayarka Hargeysa oo markii shirku dhammaaday saxaafadda la hadlay ayaa yidhi  “Ururka ay leeyihiin wershadaha soo saara sharaabka iyo biyaha, waxaanu ka wada hadlaynay cashuur guddiga bilicdu ansixisay, golaha deegaankuna ansixiyeen, wasaaradana loo soo gudbiyay oo ahaa in caagadaha si magaalada looga guro caagada weyn 300 oo shilin Somaliland ah la saaro, caagadaha yaryarna la saaro 150 shilin si caagadaha loogaga guro magaalada. Ganacsatada waanu wada hadalnay waxaanay codsadeen inay isku noqdaan kulan dambena aanu isugu nimaadno maanta.”

Geesta kale, xubno ganacsatada ka mid ah ayaa sheegay inaanay qaadi karin cashuurtan ay dawladda Hoose ee Hargeysa saartay oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah.