Khatarta Dikhowga Hawadu Ku Hayo Awoodda Dhalmo Ee Raga Iyo Siyaabo Looga Feejignaan Karo

Published on Sep 12 2018 // Googooska Geeska

Hawada inta badan ee caasimadaha dunida ayaa sii noqonaysa mid wasakhaysan, waxa aana sii kordhaysa khatarta ay ku hayso caafimaadka dadka. Qiiqa mishiinnada shidaalka ku shaqeeya, wasakhda warshadaha iyo baabuurta iyo guud ahaan waxyaabaha hawada dikhaynaya ayaa sababa dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca habdhiska neefsiga iyo sambabada ah iyo dhibaatooyin caafimaad oo la xidhiidha inta badan ee xubnaha iyo habdhisyada kale ee jidhka, waxa aanay xaaladdu gaadhi kartaa illaa heer ay sabab u noqdaan dhimasho.

Warbixin aynu ka soo xigannay shabakadda Alcarabiya ayaa lagu sheegay in dikhowga hawadu uu caafimaadka ku keeno toddobada khatarood oo kala ah:

Wadnaha

Cilmibaadhiso dhowaan soo baxay ayaa daahfuray in hawada wasakhaysan oo maalintii laba saac oo keliya la neefsado, gaar ahaan meelaha gaadiidku ku badan yahay, ay mustaqbalka khatar geliso caafimaadka wadnaha.

Wasakhda hawadu waxa ay burburisaa nudaha wadnaha, taas oo sababta cudurro khatar ah oo uu ka mid yahay sambabka oo xidhma. Wasakhowga hawadu waxa kale oo uu sababi karaa xididdada dhiigga oo adkaada, taas oo ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee wadne wareenka iyo xanuunnada soo booddada ah ee wadnaha ku dhaca.

Burburka sambabada: Khatarta ugu badan ee uu dikhowga hawadu keenaa waa sambabada oo burbura ama hawlgaba. Qofku marka uu nuugo / dib u neefsado hawada wasakhaysan waxa ay wasakhdaasi si toos ah marka koowaadba u abbaartaa sambabada, haddana kuma hakato ee waxa ay raacdaa hawada sambabku uu buufinayo, waxa aanay gaadhaa jidhka badankiisa. Hawadaa wasakhaysan ee sambabada iyo xubnaha kale ee jidhka gaadhaysaa waxa ay keentaa xanuunno khatar ah oo ay ka mid yihiin xiiqda, khalkhal dhinaca neefsiga ah iyo xitaa kansarka sambabada.

Ma dhalaysnimo: Cilmibaadhiso la sameeyey tobannkii sano ee u dambeeyey ayaa xaqiijiyey in tirada ma dhalaysnimada ragga iyo dumarku ay si muuqata dunida u sii kordhayso. Waxa aanay sababta ku sheegtay qodobbada badan oo la xidhiidha habnololeedka casriga ah.

Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in qofka oo hawada wasakhaysan si joogto ah u neefsadaa ay badiso khatarta ah in qofkaas ay ku dhacdo ma dhalaysnimo, gaar ahaan ragga. Sababtuna waa wasakhda oo saamayn toos ah ku yeelata awoodda bacarimineed ee ragga, sababna u noqota in dhalmadu ka guurto.

Lafaha oo jilca: Cilmibaadhis caafimaad oo ay natiijadeedu dhowaan soo baxday ayaa lagu ogaaday in hawada wasakhaysan oo muddo la qaato ama meel hawadeedu wasakh tahay oo lagu noolaadaa ay sababto lafaha oo awood awood beelaha.

Waxa ay cilmibaadhistu sheegtay in dadka hawada wasakhaysan neefsadaa ay khatar u yihiin in ay ku dhacaan cudurrada lafaha burburiya. Waxa kale oo qofkan lagu arkaa in si aad u fudud ay lafihiisu u jabaan, tusaale ahaan in lafi si

fudud u jawbto qofka oo si caadi ah u dhacay. Cilmibaadhista oo arrintan sii sababaynaysay ayaa sheegtay in Korboon  ku jira hawada wasakhaysani uu yahay sababta keenta in lafaha qofku si fudud u jabaan ama inta dabiiciga ah ka itaal darnaadaan.

Dhanjaf: Waa xanuun aad u daran oo madaxa qayb ahaan qofka ka qabta, inta bandanna waxa uu keenaa yalaalugo iyo burbur badan. Haddaba cilmibaadhiso cusub ayaa lagu ogaaday in dadka ku nool meelaha ku dhow wasakhda ama dikhowga hawadu ku badan yahay in ay yihiin kuwa ugu badan ee ka cawda xanuunka. Arrintan sababteeda waxa ay cilmibaadhistu ku xidhiidhisay in neefta wasakhaysan ee qofku qaadanayaa ay isu dheellitirnaan la’aan ku keento jidhka.

Kelyaha: Wasakhowga hawadu waxa uu sababa in labada kelyood ay hawlgabaan. Cilmibaadhiso sannadkii 2004 lagu sameeyey kuliyadda caafimaadka ee Washington, ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 2 milyan iyo badh dadka dunida ahi ay qabaan kelyo xanuun sababtiisu ay tahay xanuunno ka dhashay hawo dikhaysan oo ay neefsadeen.

Xeeldheereyaasha oo arrintan sii iftiimiyey ayaa sheegay in marka uu qofku hawada wasakhaysan neefsado, ay kelyuhu ku qasbanaanayaan in ay qabtaan shaqo ka badan tii ay qaban jireen, iyaga oo doonaya in ay jidhka ka saaraan suntan ka dhalatay hawada uu qofku nuugay. Muddo marka uu xaalku sidaa ahaadana ugu dambaynta kelyuhu waa ay hawlgabaan.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!