Khatarta Caafimaad Ee Ka Dhalata Shaqada Fadhigeedu Badan Yahay Iyo Sida Ugu Fudud Ee Looga Fogaan Karo

0
569

hardHargeysa (Geeska)- Shaqada uu ku badan yahay xafiis fadhiga iyo isticmaalka badan ee kombiyuutarka ayaa ka mdi ah arrimaha khatarta weyn ku ah guud ahaanba caafimaadka qofka, gaar ahaanna dhibaatooyinka aadka looga cawdo oo ay ka mid yihiin; miisaanka oo aad u kordha, wadne xanuunka, xanuunnada ku dhaca halbawlayaasha dhiigga, dhiig-karka, macaanka, Kalastaroolka iyo dufanka oo ku urura caloosha iyo wareegga dhexda.

Haddaba khubarada caafimaadka ee arrimahan u dhuun daloolaa waxa ay bixiyeen talooyin uu qofku kaga hortagi karo mushkiladahaas caafimaad ee ka dhalan kara fadhiga badan ee xafiisyada iyo xataa guriga oo uu waqtiyo badan fadhiyo qofka aan shaqada haynin.

– Marka aad talefanka ku hadlayso, ku dadaal in aanad fadhiga ku hadlin ee aad la socoto ama qolka iyo xafiiska dhexdiisa aad ku wareegto.

– Haddii aad doonayso in aad wax weydiiso ama shaqo kala hadasho qof ka mid ah dadka aad wada shaqaysaan, ku dadaal in aanad talefan kula hadlin ama u yeedhin, oo adigu inta aad u kacdo ugu tag xafiiskiisa si ay jimicsi kuugu ahaato.

– Ku dadaal in aad gaadhigaaga dhigto meel ka yara durugsan goobtaada shaqada, si marka aad imanayso iyo marka aad rawaxaysaba aad u hesho daqiiqado aad socoto.

– Hal saac marka aad fadhidaba jimicsi yar same, oo muddo daqiiqado ah dhex soco xafiiska iyo xarunta shaqada gudaheeda, ama ugu yaraan xafiiska dhexdiisa yara taagnow, haddii ay suurtogal tahayna daqiiqado taagnida ku shaqee. Arrintan oo muhiim ah ayaa aanu qofku inta badan xasuusan karin, sidaa awgeed waxaa fiican in uu saacadda ama talefankiisa ku buuxsado baraarujin saacaddiiba mar xasuusisa arrintan.

– Waxaa fiican in qofku uu ugu yaraan 10 daqiiqo maalin kasta sameeyo socod degdeg ah ama uu socod caadiya sameeyo 20 illaa 30 daqiiqo maalin kasta.

Source: Wargeyska Geeska Afrika, bogga googooska Geeska.