Khatarta Caafimaad Ee Ka Dhalan Karta In Qofku Uu Iska Xammeeyo Gebi Ahaanba Milixda

0
546

1Ottawa (Geeska)- Koox khubaro ah oo ka tirsan jaamacadda McMaster ee dalka Kanada, ayaa ogaaday in ix-xammaynta milixda aad la isaga yareeyaa aanay u fiicnayn caafimaadka, inta badanna ay kor u qaaddo khatartii caafimaad ee laga yaabo in marka hore laga ordayey, sida xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga ku dhaca.

Cilmibaadhis natiijadeedu noqotay arrin ka hor imanaysa fahamka hore dadku uga haysteen milixda ayaa ay cilmibaadhayaashu tijaabo ku sameeyeen in ka badan 130 kun oo qof oo ku kala nool 49 kun oo dal oo dunida daafaheeda oo dhan ah, iyaga oo si gaar ahna isugu hawlay in ay baadhaan xidhiidhka ka dhaxayn kara xaddiga uu qofku milixda ka qaadanayo iyo cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdadiisa dhiigga, taas oo ay ka mid tahay suurtogalnimada in milixda badani keento cillad ah in wadnaha shaqadiisu khalkhasho iyo xididdada dhiigga ee wadnaha oo xidhma, waxa aanay si gaar ah isu barbar dhigeen xaaladda caafimaad ee dadka dhiig karka leh iyo dadka wareegga dhiiggoodu caadiga yahay, marka ay milixda isticmaalaan.

Natiijada ay khubaradu baadhistan ka gaadheen ayaaba caddaysay in cunista cuntooyinka ay ku yar tahay maadadda cusbado ay keeni karto qaybo badan oo ka mid ah wadne istaagga iyo wadnaha oo dhiiggu ka xidhmo, taas oo ka badan xaaladaha laga filan karo qofka xaddi dhex dhexaad ah ka qaata milixda iyada oo aan dheg loo dhigayn heerka wareegga dhiigga. Laakiin waxa ay hoosta ka xariiqeen in haddii dhiigga qofku si aad ah markaas uu cuntada cunayo kor ugu kacsan yahay ay lagama maarmaan tahay in milixda cuntada laga yara yareeyo.

Baadhitaannada ay khubaradani sameeyee nwaxa ay ku ogaadeen in uu jiro heerka ugu yar ee xaddiga milixda la qaadanayo oo haddii hoos loo dhaafo arrin aad u khatar ah keenaysa. Isla markaana haddii qofka oo dhiiggiisu kacsan yahay uu xaddi badan oo cusbo ah qaato ay ku keenayso dhibaato.

Ugu dambayntii cilmibaadhayaashu waxa ay ku qiyaaseen in dadka dunida ku dhaqan boqolkiiba 10 keliyi ay yareeyaan xaddiga milixda ay ka qaadanayaan. Dhinaca kalana haayadda caafimaadka adduunka ayaa iyaduna sheegtay in qofka oo maalintii isticmaala in ka badan 5 giraam oo milix ahi ay keento dhiiggu in uu kaco.