Khataraha Qarannimo Iyo Amni Ee Somaliland Ka Soo Waajihi Kara Heshiiska Qaramada Midoobey La Gashay Soomaaliya Oo Nuqul Ka Mid Ah Uu Geeska Afrika Helay

Published on Mar 04 2014 // Warar

Picture6Hargeysa (Geeska)- Waxaa toddobaadkii hore magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya heshiis aan la shaacin ku kala saxeexday xafiiska Qaramada Midoobey uga wakiilka ah Soomaaliya ee UNSOM iyo dowladda Federaalka ah, heshiiskaas oo dhinaca Qaramada Midoobey uu u saxeexay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key, dhinaca Soomaaliyana uu u saxeexay wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah Cabdiraxamaan Ducaale Beyle, iyada oo uu goob joog ka ahaa madaxweynaha Maamaulka Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud.

In kasta oo uu heshiiskaasi u dhexeeyey Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, marka aragtidaas guud loo eegana uu yahay mid aan khusayn Somaliland, haddana waxaa jira xaqiiqada ah in Qaramada Midoobey ay weli Somaliland u aqoonsan tahay ulana macaamisho, ugana dhex shaqayso sida qayb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana ergey Nicholas Key uu magaca Soomaaliya qaramada midoobey ugu metelo Somaliland iyo Soomaaliya oo isku jira, taas ayaana sabab u ah warwarka ay dad badan oo reer Somaliland ahi ka muujiyeen nuxurka heshiiska dhex maray labada dhinac iyaga oo u arka in uu saamayn ku yeelan karo Somaliland ama ugu yaraan si aan toos ahayn marar badan loogu dabbaqi karo.  Arrintani waxa ay mudan tahay in xukuumadda Somaliland ay qaaddo tallaabo ay Qaramada Midoobey kaga xaqiijinayso in heshiiskaasi aanu ahayn mid iyaga u yaalla, si ka hortag ay ugu noqoto dhibta ay arrintani keeni karto ama ay dawo ugu noqoto shakiga shacabku ka qabo heshiiskan.

Guud ahaanba in heshiis lala galay Soomaaliya si uun uga dhaqan galo xafiisyada Qaramada Midoobey ee Somaliland waxa uu meel-ka-dhac ku yahay qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland laakin waxa aynu qormadeennan ku taaban doonnaa dhowr qodob oo haddii ay Qaramada Midoobey isku daydo in ay ku dhaqdo Somaliland sida ay imikaba u xisaabiso in ay Soomaaliya ka mid tahay, halis ku keeni doona qarannimada iyo jiritaanka isla markaana si weyn u dhaawacaysa kalsoonida lagu qabo ammaanka Somaliland iyo nabadgelyada muuqata ee ka jirta: Heshiiskan oo aan saxaafadda loo bandhigin, balse uu Wargeyska Geeska Afrika, helay ayaa qodobada walaaciisa leh ee Somaliland khusayn kara waxa ka mid ah.

Qarannimada:

Qodobka 10aad ee heshiiskani waxa uu dhigayaa in Qarmada Midoobey ay dowladda Somaliya uga fasax qaadanayso in ay si xor ah shaqaalaheeda iyo gaadiidkeeda kala duwani ku tegi karaan meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah, iyada oo aan looga baahnayn waraaqo fasax iyo ogeysiin horudhac ah midna. Marka laga reebo safarka dhinaca hawada oo uu heshiisku dhigayo in loo mari doono shuruudaha ku haboon ee u yaalla qorshayaasha duulimaad iyo hannaanka shaqo ee hawada sare ee Soomaaliya, iyada oo nidaamka  duulimaadyada iyo hab-raaca loo marana ay hay’adda hawada sare u qaabilsan Soomaaliya ku wargelin doonto UNSOM, isla markaana ay siin doonto khariiradaha hawada sare ee ay uga baahato iyo wixii xog ah ee u muhiim ah safarrada cirka ah iyo wixii kale ee lagama maarmaan u ah safarradaas Qaramada Midoobey.

Arrintan haddii aanay Somaliland iska beri yeelin waxa ay god ku sii ridaysaa maamulka hawada sare ee Somaliland oo imikaba sida muuqata ay Soomaaliya isa siisay, waxa aanay fawdo ka dhigaysaa nidaamka shaqo iyo safarrada qaramada midoobey ku imanayso Somaliland ama ku tegeyso deegaannada kala duwan ee Somaliland iyada oo ay dhacayso in waftiyo ka yimi xafiisyada qaramada midoobey ee Soomaaliya ay marka ay doonaan meesha ay doonaan ka tagaan Somaliland.

Qodobka 31aad ee heshiiskan ayaa isna dhigaya in wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobey u jooga Soomaaliya uu dowladda Soomaaliya iskaashi kala samayn doono, intii awooddiisa ah oo dhanna ka cawin doono sidii loo xaqiijin lahaa in shaqaalaha iyo xubnaha UNSOM ay dhaqan gelinayaan xeerarka iyo shuruucda Soomaaliya u dejisan ee waafaqsan heshiiskan.

Tanina waxa ay madow gelin kartaa illaa xadka ay shaqaalaha qaramada Midoobey ee Somaliland joogaa u hoggaansami doonaan shuruucda iyo xeerarka Somaliland oo dabcan ka duwan kuwa Soomaaliya. Waxa aanay badin doontaa in dalka ay soo galaan shaqaale iyo qandaraaslayaal shisheeye oo UNSOM heshiis aanay Somaliland waxba ka ogeyn kula jirtaa ay ka shaqeeyaan Somaliland, gaar ahaan marka lala akhriyo qodobka 33aad ee heshiiskan oo dhigaya in dowladda Soomaaliya ay shaqaalaha iyo qandaraaslayaasha la shaqeeya UNSOM ee aan sidan baasaboorka Qaramada Midoobey u soo saari doonto waraaqaha dal-ku-galka, iyo haddii loo baahdo waraaqo joogitaan oo ay Soomaaliya ku joogaan.

Ammaanka:

Qodobka 36aad ee heshiiskani waxa uu dhigayaa in Qaramada Midoobey ay xaruntooda Soomaaliya keeni karto saraakiil ammaanka qaabilsan, saraakiil milateri iyo xubno la taliyeyaal booliis ah oo xidhan labbis u gaar ah Qaramada Midoobey. Waxa uu qodobkani dhigayaa in booliiska, la taliyeyaasha milateri iyo saraakiisha kale ee ammaanka ee Qaramada Midoobey ay Soomaaliya keentaa ay haysan karaan, qaadanna karaan hub iyo rasaas iyo weliba wixii qalab milateri ama boliis ah ee kale, oo ay ka mid yihiin qalabka GPS oo ah hab dayax-gacmeedka ku xidhan oo suga, tilmaamana goobaha loo dan leeyahay in la ogaado, iyo in raggan hubaysani ay dhar rayid ah qaadan karaan marka ay hawlahan ku jiraan ama qalabkan adeegsanayaan. Shardiga keliya ee ku xidhanina uu yahay in ay dowladda Soomaaliya ku wargeliyaan tirada saraakiishaas iyo ciidamadaas hubaysan ee u jooga xarumahooda ama ay keenayaan. Iyada oo weliba ay dowladdu aqoonsanayso isla markaana tixgelinayso rukhsadaha ay UNSOM u soo saarto hubkaas iyo dadka isticmaalaya.

Arrintani waxa ay ku habboon tahay dal Soomaaliya oo kale ah oo xaaladdiisa ammaan aanay shisheeyuhu isku hallayn karin. Sida aynu horeba u xusnay Qaramada Midoobey Somaliland waxa ay ugu tirsan tahay Soomaaliya, sidaa awgeed waxaa looga baahan yahay in ay caddayso in guud ahaan heshiiskan iyo gaar ahaan qodobbadan xasaasiga ahi aanay ahayn kuwo khuseeya ama ay ku dhaqan gelinayaan Somaliland. Qodobkan u dambeeya oo xoojin badan ka heli kara digniinaha ammaanka ee ay Ingiriiska iyo Maraykanku ka soo saaraan Soomaaliya oo ay muddooyinkan dambe si joogto ah ugu daran Somaliland waxa uu khatar ku yahay madax bannaanida iyo dowladnimada Somaliland, haddii ay UNSOM ku fuliso xafiiskeeda Somalilandna, inkastoo aanu si rasmi ah u shaqaynin, waxa uu marag cad u furayaa digniinahaas amni darrada ku sheegayey Somaliland, waxa aanu shaki gelinayaa maal-gashadayaasha, ganacsatada iyo guud ahaan ajaanibka imika isku halleeya amniga Somaliland.

Haddaba  xukuumadda Somaliland waxaa looga fadhiyaa in ay shaaca ka qaaddo mawqifkeeda la xidhiidha heshiiskaas isla markaana qaramada Midoobey ay ka dalbato cadaymo dheeraad ah oo ku saabsan  heshiiskaas iyo waxa Somaliland ka soo gaadhi kara. Haddii kale waxa ay u muuqan doontaa in ay markanna ogolaatay in shuruucda Qaramada Midoobey kaga dhaqmayso gudaha Somaliland ay noqdaan kuwo Xamar iyo Qaramada Midoobay tu ka heshiiyaan. 

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!