Khasaaraha Qarax Ka Dhacay Hoteel Muqdisho Ku Yaala

0
583

Ugu yaraan 12-qof ayaa ku Geeriyooday tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen, Qaraxyo Is-miidaamin ah iyo weerar toos ah oo lagu qaaday gellinkii dambe ee Shalay Hoteelka Naasa Hamblood One ee Magaalada Muqdisho.

wwww

Sarkaal ka  tirsan saraakiisha booliiska Somalia ayaa Warbaahinta u sheegay in Weerarkan uu ahaa mid khasaare dhaliyay, isla markaana weli ay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladdu ku dagaalamayaan gudaha iyo daafaha Hoteelka.

"Weerarradan oo isugu jiray Qaraxyo iyo kuwo toos ah waxaa ku geeriyooday in ka badan 12-qof, tiro intaas ka badanna way ku Dhinteen," ayuu Sarkaalku u sheegay Wrabaahinta Qaybaheeda kala duwan.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, iyagoo xusay inuu ahaa mid qorsheysan, ayna xoogaggoodu ku jiraan gudaha Hoteelka oo ay Askar ka tisran ciidamada dowladda Somalia kula dagaalamayaan.

Goobjoogayaal, ayaa sheegay in Qaraxyada Hoteelka lala beegsaday ay aad u cuslaayeen, Waxayna goobtaas dadka dhaawacyada ah ka qaaday Gaadiid Gurmadka deg-dega ah oo gaadhsiiyay cisbitaalka Caafimaadka.

Ugu dambeyntii, Lama oga khasaaraha Ramsiga ah ee ka dhashay Weerarradan oo ahaa kuwo Culus, iyadoo Qaraxyadan ay burbur xoog leh gaadhsiiyeen inta badan dhismayaasha ku dhaw Hoteelka.