Khariidada Caasimadda Hargeysa Oo La Soo Bandhigay

0
833

Picture2Hargeysa(geeska)-Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa iyo hay’adda qaramada midoobay ee UN-Habitat,  ayaa si wada jira u soo bandhigay khariidad cusub oo ay yeelan doonto caasimada Hargeysa.

Kulanka lagu soo bandhigay khariirada cusub ee caasimada Somaliland ee Hargeysa oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa,waxa ka soo qayb galay maayarka Hargeysa, xildhibaanada golaha deegaanka,xoghayaha fulinta ee dawlada hoose iyo madaxda hay’adda UN-Habitat.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ka hadlay  kulankan lagu soo bandhigayey khariidada cusub ee ay  yeelan doonto caasimada Hargeysa waxa uu sheegay inay ku faraxsan yihiin soo bandhigida khariidadan cusub, waxaanu tilmaamay inay dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa ay magaalada u samaysay nashqad cusub oo tilmaamaysa qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimada iyo dhismayaasha caanka ah ee ku yaala, waxaanu sheegay inay hir gelinta arintan kala kaashadeen hay’adda UN-Habitat oo ka caawisay fulinta barnaamijkaas.

 

Sidoo kale waxa kulankan lagu soo bandhigayey khariidada cusub ee ay yeelan doonta caasimada Hargeysa ka hadlay madaxa qorshaynta dhulka iyo nashqadaynta ee hay’adda UN-Habitat Emenah,  waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay caasimada Somaliland u sameeyaan khariiradan, waxaanu xusay in khariidadan cusub ee ay u sameeyeen magaalada Hargeysa ay u sahlayso dadka aan kala garanayn magaalada inay si dhibyar u helaan halka ay doonayaan  gaar ahaana hudheelada waa-weyn iyo waddooyinka caanka ah ee dhex mara Hargeysa.