Kenya: Raila Odinga Oo Diiday Natiijada Doorashada Iyo Xasarado Ka Dhacay Deegaano Kala Duwan

0
679

Nayrobi(Geeska)-Xaaladda doorasho ee Kenya ayaa gashay weji adag ka dib markii uu musharaxa isbahaysiga NASA Raila Odinga diidey natiijada horudhaca ah ee muujineysa in Uhuru Kenya uu ku horeeyo 54% codadka oo la tiriyey 91% boqolkiiba.

Musharaxa madaxwaynanimada ee mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku gacan saydhay oo diiday natiijooyiinka hordhaca ah oo muujinaya in si wayn uu ugu horeeyo, madaxwaayne Uhuru Kenyatta.

Mr Odinga ayaa saxaafada u sheegay in natiijada ka soo baxaysa doorashada ay tahay”mid been abuur ah”,sababtoo ah buu yidhi lama keenin dhukumiintiyo cadaynaya natiijada.

Mucaaradak ayaa natiijada la baahiyay ku tilmaamay been abuur sababtoo ah natiijada may wehelin foomamka xarumaha codaynta ee loo yaqaano foom 34A iyo 34B.

Raila wuxuu yidhi “Waa khiyaali ,waa been abuur,”ayuu ku nuuxnuuxsaday Mr Odinga.

“Natiijada ay baahinayaan IEBC ee madaxweyne waa mid gebi ahaan been abuur ah oo ku saleysan xisaab la laba jibaaray oo Uhuru siineysa codad aan la dhiiban” ayuu yidhi Odinga, isagoo raaciyay “Qiyaamada xisbiga Jubilee ay kula kaceen dadka Kenya waxay ka saro martay xatooyo kasta oo taariikhda waddankan soo martay. Markan waan ku qabanay” ayuu yidhi Odinga oo madaxweyne Kenyatta ku sheegay inuu yahay “khaa’in”.

Dhanka kale weli waxaa socota tirinta codadka doorashada Kenya, codadka horudhaca ee ilaa iyo imika la tiriyayna waxay muujinayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku horreeyo boqolkiiba konton iyo shan codadkii la tiriyay. Guddiga doorashada waxaa kale oo ay shegeen in la tiriyay saddex meelood labo meel goobihii ay dadka ka dhiibteen codadka.

Xarunta Bomas ee ay tirinta ka socoto waxaa ku sugan safiirada Maraykanka, UK iyo dalal kale oo aad u danaynaya doorashada Kenya iyo waliba kormeerayaasha.

Diblomaasiyiinta iyo kormeerayaasha doorashada Kenya ayaa ammaanay nidaamka shaqo ee guddiga doorashada Kenya oo ay ku tilmaameen mid adag.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa ku baaqay midnimo, isaga oo sheegay in uu aqbali doono natiijada, kuwa ay is hayaanna wuxuu ugu baaqay in ay sidaas oo kale sameeyaan. Wuxuu sheegay in Kenyanku ay “horay u socdaan iyaga oo hal dal ah”.

Guddiga doorashada Kenya ayaa iska difaacay eedaha mucaaradka, waxaanay sheegeen inaanay jirin farogelin lagu sameeyay nidaamka doorasho.

Geesta kale, waxa jirta dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay isku dhacyo dad taageersan mucaaradka oo iyagoo gadoodsan ay is heleen ciidamada Booliska.

Hay’adaha ammaanka ayaa shacabka Kenya ugu baaqay inay is dejiyaan ixtiraamaana nidaamka dawladnimo.