Kenya Oo Xabsiyada Ku Gurtay Dhawr Boqol Oo Qof Oo Somaliya

0
527

Picture3Kadib weeraradii Bombaanooyinka loo adeegsadey ee habeen hore ka dhacay  xaafadda Islii ee magaalada Nairobi dalka Kenya isla markaana ah xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay, ayaa hawgalo boolisku qaadeen ku xidh-xidheen dad kor u dhaafaya 650 oo qof.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in habeen hore saqdii dhexe Boolisku baadhitaan ku qaadeen xaafadda Islii.

Dadka la xidhey oo u badan Soomaali, ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan kuwo da’doodu aad u yartahay, waxaana Boolisku sheegayaan in ay baadhitaan ku samaynayaan.

Dadka Soomaalida ah qaarkood ee ku sugan Islii ayaa warbaahinta u sheegey in boliisku ay lacago urursanayaan halka ay amaanka sugi lahaayeen.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku geeriyootey weerarka laguq aadey goobo ay ku caweeyaan dadka Kenyaanka ah oo ku yaal xaafada Islii Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad gaadhaya 25 qof.

War uu soo saarey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Lenku ayaa waxaa qaraxyadaasi lagu tilmaamey inay ahaayeen kuwo waxashnimo ah, isla markaana hawgallada amniga ay sii socon doonaa ilaa laga soo qabto kuwii ka dambeeyey qaraxyadan.

 

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii dowlada Kenya ay ku amartay qaxootiga Soomaalida inay dib ugu noqdaan dhamaantood labada xero ee Kaakuma iyo Dhadhaab.