Kenya Oo Soomaalidii Ay Xidhxidhay U Masaarufisay Magaalada Muqdisho

0
633

Muqdisho(Geeska)-In ka badan 84 qof oo Soomaali ah oo ka mid ahaa kumanaankii qof ee  Soomaalida ahaa ee laga xidh xidhay magaaaldda Nayroobi, ayaa la soo gaadhsiiyay magaaladda Muqdisho, kuwaas oo isugu jiray Haween,Caruur iyo dad dhalinyaro ah.

Dawlada Kiniya ayaa iyadu diyaaradan ku soo daabishay dadkan sida sharci darada ah ku joogay magaaladda Nayroobi, waxaana la sheegay in dawlada Kiniya ku dhawaad afar kun oo Soomaali ah oo ay qabqabatay u kala saartay kuwo sharci la’aan ah,kuwo haysta kaadhadhka qaxoontiga iyo sida oo kale kuwo ay uga shakiday argagaxiso oo la sheegay in maxkamad la soo taagi doono.

Dawlada Kiniya ayaa lagu canbaareeyay hawlgalkan ay sheegtay in ay ku sugayso amaankeeda oo in badan oo ka mid ah beesha caalamku ay ku sheegtay in dad gaar ah tacadiyo loogu gaysanaayo.

Dalka Kiniya ayaa la ogsoon yahay inay ku sugan yihiin Soomaali aad u tiro badan oo ka qaxay koonfurt Somaliya, kuwaas oo inbadan oo ka mid ah ay ka diiwaan gashan yiiin xeryaha qorxoontiga ee ay gacanta ku hayso haayada UNHCR.