Kenya Oo Qaxoontiga Somalida Ku Amartay Inaanay Xeryahooda Soo Dhaafin

0
768

Dowladda Kenya ayaa ku amartay qaxootiga Soomaalida ee ku nool magaalooyinka in ay dib ugu laabtaan xeryaha loo qoondeeyay ee Kaakuma iyo Dhadhaab.

Wasiirka arrimaha gudaha, Joseph Ole Lenku, ayaa soo saaray amarka sheegaya "hubin degdeg ah oo lagu sameeyo ammaaPicture1nka."

Waxaa jiray rabshado dhowr ah oo ka dhacay gudaha Kenya bilihii ugu dambeeyay, kuwaas oo ay ku lug lahaayeen kooxo xagjir ah oo loo maleynayo in ay isbahaysi la leeyihiin kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Axadii, dabley wajiga soo xidhatay ayaa waxa ay qarxiyeen kaniisad ku taala magaalada Mombasa,. Shan qof ayaa ku dhimatay.

Ilaa hadda, qaxootiga naftooda maareyn kara ama u baahan waxbarasho gaar ah ama daryeel caafimaad, ayaa loo ogolaaday in ay ku noolaadaan magaalooyinka.

Afhayeenka wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya, Mwenda Njoka, ayaa sheegay sababta ay u tallaabada u qaadeen in ay tahay sababo dhanka ammaanka la xidhiidha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidammada ammaanka ay diyaar u yihiin in ay hubiyaan in haddii aanay u hogaansamin ammarka dib loogu celin doono xoog ama qasab.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii bishii Sebteembar lagu qaaday xarunta laga dukaameysto ee Westgate, ee magaalada Nairobi, Kenya ayaa waxay diiradda saartay dhaqdhaqaaqa qaxootiga Soomaalida.

Guddi barlamaani ah oo ka shaqeeya arrimaha ammaanka iyo difaaca ayaa horay ugu baaqay in qaxootiga Soomaalida ay dib ugu laabtaan xeryaha loogu tala galay.

Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo kuwa u dooda qaxootiga ayaa Kenya ku cambaareeyey amarkaasi.