Kalluunku Waa Cunto, Shaqo, Ganacsi Iyo Nafaqo Caafimaad Leh

Published on Feb 27 2014 // Warar

Picture3Kalluunku waa nicmo Ilaahay uu ku manneystey dalkeena oo dalal badan oo adduunka ka mid ahi ayna heysan. Waa nicmo uu Ilaahay quraankiisa kaga waramey inuu dadka ku galladay. Miyaadan akhriyin aayadaha quraanka ee ku kala yaalla; Suurtu Naxli ayaadda 14aad & Suurtu Faadir ayaadda 12aad.

Waxa nasiib darro ah in iyada oo baddii iyo kalluunkiiba aan leenahy, in hadana  dalkeednu uu ku sugan xaalad ayna jirin cunto la isku halleyn karo( food security). Qiyaasaha la sammeeyey waxay tilmaamayaan in ka yar 5%  kaliya aan la soo baxno cuntada aan quudanno. 95%  kale waxa laga soo dhoofiyaa dibadda. Bal qiyaas haddii ay wadamada cuntada aan ka soo gadanno, ay joojiyaan cuntada wadamadooda laga dhoofinayo, halkee ayaan isku halleyneynaa inaan cunto dadkeenna uga helno?. Waxa habboon in dadkeenu uu ku baraarugo arrintaas khatara ah ee waqti kasta la filan karo. Waa in aan cunto kala soo baxnaa dalkeena.

Kalluunku waxa cunto muhiim ah. Adduunka  badaha lagala soo baxay sannadkii 2010kii,  wuxuu ahaa 148 malyuun oo Tan. Waxa kalluunkaas cunto ahaan dadku u cuneen 86% ama 127 milyan oo tan. Waxa qiyaastii qofkii ku soo hagaagtey sannadkii 2009kii inuu cuney 18.4kg wadadama horey u marey. Halka wadamada Afrika qofkii ay ku soo haggaagtey 9.2kg. Yemen oodhinaca kale kaga  taalla baddeena, sannadkii waxay la soo baxaan kalluun dhan 185,471 Tan isku celcelis ahaan.  Kalluunkaas  dalka gudihiisa waxay ku cunaan 109,871 tan. HALKAAS WAXAAN KU CADDEYNEYNAA SIDUU KALLUUNKU U YAHAY QEYB KA MID AH CUNTOOYINKA ADDUUNKU.

Kalluumeysigu waa shaqo ay dad badani ka xogsadaan. Waxa guud ahaan adduunka kalluunka si toos ah uga shaqeysta qiyaastii 38Milyan oo qof (FAO 2007).  Waxa xusid mudan in 90% ama 34.2 Mliyan dadkaas ka mid ahi ay ka shaqeystaan Kalluumeysiga xeebaha (Artisinal Fisheries). Waxa tiradaas dheer in ay jiraan ilaa 100 milyan oo qof oo ka shaqeysta hawlaha la xidhiidha Kalluumeysiga. Yemen haddaan tusaale u soo qaadanno waxa Kalluumeysiga ka shaqeysta 94,214 qof, oo 75,371 ka mid ihi  ay yihiin kalluumeysato. MAXAA BADAY SHAQO LA’AAN DADKEENNA, GAAR AHAAN DHALIN YARADA ,MIYAAY BADDEENA SHAQO KA HELI KARIN UGU YARAAN TIRO 30,000 ILAA 40,000 QOF.?

Kalluunku waa dhaqaale. Sannadkii 2010kii, kalluunkii adduunku soo saarey waxa ka soo galay dhaqaale dhan  217.5 Bilyan oo Dollar.  Yemen oo deris nahay, kalluunka ay dhoofiso waxa ka soo gala sannadkii 188milyan oo doolar. Yugaandha, oo aan bad leheyn , oo kalluunka kala soo baxda harada lake Victoria, sannadkii  kalluunka ay dhoofiso waxa ka soo 150 milyan oo doolar. Waxay la soo baxdaa kalluun dhan 200,000 tan sannadkiiba isku celcelis. Waxa ka shaqeysta Kalluumeysiga Yugaandha dad tiradoodu dhan tahay 700,000 oo qof.

Kalluunka waa nafaqo caafimaad leh. Kalluunka ayaa ka burotiin badan hilibka. Waxa ku jira 100giram ee kalluunka ah 18.5 giraam oo Burotiin ah, halka ay 16giramm oo Burotin ani ay ku jiraan 100giraam ee hilibka ah.  Waxa kalluunku uu daawo ka yahay xannuuno badan oo ay ka mid yihiin:-

Hoose u dhigidda dhiig karka

Dhimista khatarta xanuunka wadnaha & hagaajinta shaqada wadnaha

Kor-u-qaadida shaqada maskaxda,

Indhaha,

Kobcinta dareemayaasha caruurta

Ka hortagga oof-wareenka

Difaaca xanuunada sigaar cabistu keento

Caawinta dadka caabuqu qaba.

Kor-u-qaadida nidaamka difaaca jidhka

Difaaca xanuunka kansarka

Difaaca lafaha burbura

  Bararka xubnaha iyo kala-goysyada.

Dhimista miisaanka

Hadaba, waxaan ugu baaqeynaa ganacsatadeenna iyo dadweynaheenna  iney u fiirsadaan waxtarka ku jira Kalluumeysiga dhinacyada shaqada, cuntada, nafaqada iyo ganacsigaba. Waxaan leennahay Kalluumeysiga waxaan kaga baxaynaa shaqo la’aanta, cunto la’aanta iyo dhaqaale la’aantaba.

FARRIINTA WASAARADDA KALLUUMEYSIGA & KHEYRAADKA BADDA

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!