Kala Sadbursiga Bulshadu Waxa Uu Abuuraa Niyadxumo Iyo Farxad La’aan Sababta Xasilooni darro Siyaasadeed

Published on Aug 29 2018 // Googooska Geeska

Washington (Geeska) – Jonathan Rauch oo ah madaxa cilmibaadhayaasha maxadka Brookings ayaa sheegay in tobannaankii sano ee u dambeeyey ay kala go’ayeen koritaanka dhaqaale ee qofka iyo heerka farxaddiisu. Intii ka dambaysay dagaalkii labaad ee adduunkana ay meesha ka baxday raadayntii ay haynta qofku ku lahayd farxaddiisa. Waxa uu tusaale u soo qaatay in intii ka dambaysay kontonaadkii qarnigii hore uu dakhligii qofku saddex laab kordhay, laakiin celceliska tirada dadka farxadda iyo niyadsamaanta dareensani ay hoos u dhacday.

Tijaabo ay xeeldheereyaashu sameeyeen ayaa lagu ogaaday in dadka caddaanka ah ee dalka Maraykanku ay ka farxad yar yihiin kuwa madowga ah ee la ogyahay in ay ka dakhli fiican yihiin, bulsho ahaanna ka xaalad wanaagsan yihiin. Markii sababta la baadhay waxaa la ogaaday in qofka caddaanka ahi inta badan noloshiisa horumarkeeda iyo wanaagga uu gaadhay ku qiimaynayo aabayaashii heerkii ay marayeen ee horumarka ahaa, iyo halkii ay aqoonta ka gaadheen, gaar ahana intii ka dambaysay lixdanaadkii oo dhaqaalaha iyo horumarka Maraykanku aad kor ugu kacay, kaddib waxa uu isu arkayaa in uu hoos u noqday ama aanu wax badan ku soo kordhisan intii aabihii. Laakiin ninka madowga ahi waxa uu isku qiimayanayaa halka uu gaadhay iyo halka ay aabayaashii joogeen oo dabcan ah xilligii addoonsiga iyo cunsuriyadda, kaddib waxa uu isu arkayaa in uu horumar fiican sameeyey xaalkuna sidii hore aad uga sii fiicnaaday. Taas macnaheedu waa in farxaddu ay tahay arrin aan iskeed u madax bannaanayn, balse ay ku xidhan tahay hadba duruufaha iyo xaaladaha la’ la akhriyayo.

Johnathan Rauch waxa uu sheegay in cilmibaadhis cilmiya oo la sameeyey lagu ogaaday in farxadda qofku ay inta badan ku xidhan tahay laba arrimood. Midka hore waa raadka sida tooska ah ee duruufta iyo deegaanka qofka ku xeerani ku keenayo maskaxdiisa. Tusaale ahaan, Warbixin ka soo baxday bangiga adduunka waxaa lagu sheegay in sannadkii 1980 kii ay tirada dadka adduunka ee maalintii dakhligoodu yahay 1.9  ay si aad ah hoos ugu dhacday illaa boqolkiiba 10 keliya oo ay maraysay sannadkii 2015 ka, taas oo ah in horumar fiican laga sameeyey dhinaca dhaqaalaha, laakiin haddana aan qofka ka caawin farxadda. Sababta farxaddu u badan weydayna waxa ay ku sheegeen duruufaha qofkak u xeeran oo aan caawinayn, tusaale ahaan in wararka qofku uu inta badan ka helayo deegaanka iyo duruufaha ku xeerani ay yihiin kuwo aan fiicnayn.

Waxa kale oo la ogaaday in farxaddu ay tahay arrin aan laga sinnaan karin oo ku xidhan hadba waxa loo eegayo ama la barbar dhigayo. Waxa aana hubaal ah in dadku dhammaan ay qiimahooda iyo darajadooda bulsho ku qiyaasaan hadba dadka ku xeeran maalintaasi halka ay gaadheen, waxa kale oo uu qofku inta badan horumarkiisa ku qiimeeyaa in uu barbardhigo sida uu markan ka hor ahaa.

Si loo xaqiijiyo in cidda kugu xeerani farxaddaada saamayn ku yeelanayso oo heerka ay farxaysaa ay ku xidhantahay hadba waxa aad ka qiyaas qaadanayso, si loo xaqiiyo waxa ay tijaabo xiise leh lagu sameeyey qoysas si qubane ah loo soo xushay oo ku nool tuulayaal ku yaalla dalka Kenya. Waxaa qoysaskan la siiyey lacago aad u badan. Dabcan sida aad sawiranaysaba, dadkii lacagtaas la siiyey aad ayaa ay u farxeen. Laakiin waxa ay saynisyahannadu baadhis ku sii sameeyeen halka ay farxaddaasi ka timid. Waxa aana soo baxday in sababta koowaad ee farxadda qoysaskani ku timi aanay ahayn lacagta badan ee la siiyey, balse ay tahay xaaladda dadka ku xeeran oo ay arkeen in ay ka wada sarreeyaan. Dhinaca kalana waxa ay daraasaddu ogaatay in dadkii qofkan ku xeernaa ee aan iyaga lacagta la siinin ay farxaddoodu aad hoos ugu dhacday. Haddii sababta la baadhayna waxaa soo baxday in ay tahay dadkan oo ku xisaabtamaya ama qiimaynaya xaaladda nololeed ee dadka lacagta badan la siiyey ay galeen.

Kala Sadbursiga dheefta iyo awoodda oo cidi isku koobtaa waa dhibaatada

Richard Laird oo ah bare-sare oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa qaba in korodhka dakhligu uu dhaawaco farxadda. Isaga oo arrintaas sii faahfaahinayana waxa uu sheegay. In u dhammaanshiyo la’aanta iyo sinnaanta oo luntaa ay bulshada u soo jiiddo murugada. Daraasado kala duwan oo arrintan lagu sameeyey ayaa muujiyey in deegaannada ay ka jirto xaalad ah in bulshadu iyaga oo isku mid ah haddana ay u sinnaan waayaan khayraadka iyo dheefta deegaanka ama dawladda laga helayaa, ay sabab u noqoto niyadxumo iyo murugo dadka ku abuuranta. Waxa kale oo ka dhasha is-qab-qabsi iyo loollano siyaasadeed oo dhibaato keeni kara iyo in uu daciifo xidhiidhka bulshada dhexdeeda ah oo ay ku jiraan xitaa kuwa ladani.

Richard Laird waxa uu ku soo xidhay aragtidiisa, “Qof kastaa waa uu sii farxayaa mar kasta oo ay ladnaan iyo dhaqaali u soo kordhaan, laakiin farxaddaasi waa ay yaraanaysaa haddii uu la kulmo dad kale oo isaga ka sii dhaqaale badan.

Sadbursiga awoodda iyo xukunka oo qaybo gaar ah oo bulshada ka mid ahi isku koobtaa, waxaa ka dhasha kala sarrayn dhaqaale, maadaama oo ay keentayso kala badsiga dheefta iyo in bulshadu u sinnaan weydo dhaqaalaha, taas oo iyaduna keenta in bulshada qaybi dareento lahaanshiyo, qaybta kalana isu aragto in marti laga dhigayo. Waana sababta ugu badan ee keenta qaybsanaanta iyo xasilooni darrada siyaasadda. Gaar ahaan Afrika iyo guud ahaan dalalka dunida soo koraysa lagu naanayso.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!