“Kala Fogaanshaha Iyo Khilaafka Xisbiyadu Dan Maaha, Ee Go’aan Kama Dambays Ha Ku Heshiiyaan”

0
1052

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa baaq u diray Xisbiyada Qaranka, waxaanu ugu baaqay inay soo af jaraan is marin-waagooda ku waajahan Doorashada iyo Komishanka, waxaanu u soo jeediyey inay ka heshiiyaan.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo waeysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay Xisbiyada “Ilaa hadda go’aan kama dambays ah iyo mawqif midaysan may qaadan Xisbiyada Qaranku, kala fogaanshaha iyo khilaafka Xisbiyadu dan maaha, ee mawqif qudha iyo go’aan kama dambays ha ku heshiiyaan, imikana inagu odhan mayno, waxaas iyo waxaas ayuu heshiiskoodu noqonayaa, ma garan karno siday wax u dhici doonaan, laakiin wada hadalka Xibiyada khayr inuu ku soo dhammaado, ayeynu ku rajo weynahay”.

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Inagu Somaliland haddii aynu nahay inaga ayaa calanka ula tagnay Somaliya, waxaynu rabnay iyo waxaa inagaga soo baxayna waa laba waxyaabood oo aad u kala durugsan, cadaadis joogta ah, cabudhin, iyo cagta oo ay ina saareen, ayeynu kala kulanay Somaliya, maantana Somaliland 30 sanno ku dhawaad ayey tahay dal jira oo xor ah,maanta dalka waxaa ugu badani waa Dhalinyarada, Dhalinyaada Somaliland maanta maba taagaqano Somaliya, markaas haddii aynu Somaliya maanta wada hadalayno, waa inaynu ku wada hadalnaa sidii aynu u kala ahaan lahayn mar kasta laba dal oo jaarnimo wanaagsani ka dhexeeyso, laakiin uma wada hadlayno isku soo laabasho iyo midaw dambe, waxaana Farmaajo leeyahay cadaadis dambe, cabudhin iyo cagta hoosteeda oo mar dambe nala galiyo diyaar uma nihin, ee jaarnimo wanaagsani ha inaga dhexeeyso, laba Wadan oo kala gaar ah ayeynu kala nahaye”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here