Kala Duwanaanta Ragga Iyo Dumarka: Halka Uu Ku Ka Yimi Fikirka Ah In Dumarku Ay Ka Fariidnimo Yar Yihiin Ragga, Iyo Kala Duwanaanshiyaha Maskaxda Labada Jinsi

0
1561

Picture9Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa aynu ka soo qaadanaynaa buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Maadaama oo sida aynu hore u soo sheegnay ay dhakhaatiirta jirtay qarnigii 20naad wixii ka horreeyey waayo-aragnimadoodu ay ku koobnayd qalniinnada ay ku sameeyaan ragga oo ahaa kuwa ugu baddan ee dagaallada ku dhimanayey, waxa ay qaateen faham ah in dumarkuna maskax ahaan la siman yihiin ama la nooc yihiin ragga. Dhinac marka laga eego ma’ay qaldanayn oo waxa ay iyagu ku xisaabtamayeen in maadaama oo labada jinsiba ilma Aadam yihiin ay abuur ahaan isku mid noqonayaan… laakiin waxa ay ahayd qiyaas fog oo ay ahayd in ay hubsiimo badan raaciyaan, dumarka qudhoodana ku sameeyaan daraasado iyo qalniino ay ku ogaanayaan xaqiiqada maskaxdooda. Muddo ayaa uu xaalku sidaa ku socday, laakiin mar dambe ayaa ay haddana soo baxday natiijo tii aad uga duwan.

Sida la wada fahmi karo cilmigu weli waa uu koobnaa, aaladaha loo isticmaalayo cilmi baadhistuna waxa ay ahaayeen kuwo bilow ah oo aad uga hooseeya heerarkii markii dambe la gaadhay, sidaa awgeed waxa ugu badan ee ay saynisyahannadu ku go’aan qaadanayeen waxa uu ahaa tijaabooyinkia la taaban karo ee soo mara, kuwaasna fursadaha lagu helayaa waa ay yaraayeen. Waxaa la sheegaa in saynisyahannadu ay mar dambe fursad u heleen qalniino ay ku sameeyeen maskax haween kala duwan, waxaana u soo baxay wax aanay hore u arag ama filayn, ugu horreyn abuur ahaan waxa ay arkeen in uu jiro kala duwanaanshiyo abuur ah oo u dhexeeya maskaxda dumarka iyo tan raga, waxa kale oo ay arkeen in miisaan ahaan ay aad u kala culus yihiin maskaxda dumarka iyo tan raggu. Mar kale ayaa ay saynisyahannadu qaateen natiijo qaldan, oo inta ay sidii hore u dhacday oo kale aragti ku go’aan qaateen ayaa ay ku dhawaaqeen natiijo ah in dumarku ay ka fariidnimo yar yihiin ragga, maadaama oo maskaxdoodu ay ka fududahay. Laakiin taasi waxa ay ahayd natiijo lagu degdegay oo markii dambe ee la helay qalabka casriga ah beenowday, waayo waxaa la ogaaday in marar badan ay dumarku kaba fariidnimo badan yihiin ragga.

Kala duwanaanshiyaha maskaxda labada jinsi

Lixdamaadkii Qarnigii hore ayaa ay culimada Saynisku ogaadeen in labada waaxood ee ay ka kooban tahay maskaxdu ay qabtaan shaqooyin kala duwan.

Bidix: Maskaxda qaybteeda bidix waxa ay ka masuul tahay fikirka caqliga ku dhisan, ee maangalka iyo saxa ah, xallilista iyo lafa-gurka arrimaha, iyo weliba hadalka.

Midig: Qaybta midig ee maskaxduna waxa ay ka masuul tahay fikirka caadifadda iyo shucuurta la xidhiidha, xogta aragtida ku dhisan, fahamka dareenka la xidhiidha, fiirada, hal-abuurka iyo khayaaliga.

– Ragga: Baadhitaannadaas sayniska ah waxaa lagu ogaaday in ragga maskaxdooda qaybta bidixdu ku horreyso horumarka iyo koritaanka , halka Dumarka ay labada qaybood inta badan isu-eeg yihiin isuna dhigmaan oo horumar iyo koritaan isku mid ah ay sameeyaan.

 – Dumarka: Maskaxda dumarku waxa ay awood u leedahay in labadeeda qaybood ay isku mar shaqeeyaan, ama waqti isku mid ah qayb kastaa shaqadeeda si dabiici ah u wadato iyada oo aan culays iyo dib-u-dhac ku haynin waajibaadka shaqo ee ay qaybta kale. Ragga maskaxdoodu sidaas waa ay ka duwan tahay oo iyadu ma’ awooddo in ay labadeeda qaybood isku mar shaqeeyaan. Haddii qayb shaqaynayso waxaa qasab ah in qaybta kale aanay wax shaqo ah qaban.