Kala Duwanaanshiyaha Maskaxda Ninka Iyo Gabadha: Ragga Iyo Haweenka: Siro Aan Hore Weli Cidi Uga Hadal

0
834

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormo ka waramaysa kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa aynu ka soo qaadanaynaa buugga les hommes. Les femmes etc ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Tusaale ahaan raggu inta ay keli-keli ama wadar u baxaan ayaa ay ugaadhsi tegi jireen, halka ay dumarkuna inta ay guryaha sii joogaan iyaga oo qudhooduna kooxo ah sii daryeeli jireen carruurta, siina shidi jireen dabka. Noloshaa sidaas ku soo bilaabatay ee aadamuhu ku soo ababay ayaa uu la soo qabsaday oo jinsi kastaa uu kaalintiisa buuxiyey siina horumariyey si ay u sii wanaagsanaato una dhamaystiranto. Raggu dumarka waa ay ka joog dheeraayeen, ka awood badnaayeen ugana muruq weynaayeen wax-iska-caabbinta, sababtuna waxa ay ahayd waqtiyada badan ee ay ku qaadanayeen bannaanka iyo hawsha dhibta badan ee ugaadhsiga ee ay ugu babac dhigi jireen is-bed-beddelka cimilada. Halka dumarkuna ka noqdeen kuwo feejingan oo dareenkoodu mar kasta taagan yahay, maadaama oo ay war ka sugayaan raggii keynta u ugaadhsiga tegey oo dhib kasta la soo kulmi karayey, waxa ay noqdeen dad u diyaarsan daryeelka ubadka, dhowrista nadaafadda hoyga, dad il dheer oo la socda waxa ku xeeran iyo dhaq-dhaqaaqyada jira. Waxaas oo dhanna waxaa dumarka u sahlay masuuliyadda xilligaa nolosha ka saarnayd oo koobnayd ayaa keentay in waajibaadkooda kooban ay sidooda uga soo wada baxaan isla markaana bartaan habab iyo farsamooyin heer sarreeya oo ay ku sii wanaajinayaan.

Kala duwanaanshiyaha maskaxda ninka iyo gabadha:

Qof kasta oo innaga mid ahi waa uu garan karaa in qaab nololeedka uu qofku raacaa ay saamayn ku yeelanayso dhismihiisa jidheed iyo xataa hab-dhaqankiisa iyo macaamilka uu dadka la yeelanayo, sidoo kale waxa ay saamayn ku yeelanaysaa xirfadihiisa, kartidiisa iyo dareennadiisa oo dhan.

Qof kastaa waxa uu leeyahay maskax ku haboon jinsiga uu yahay:

In qofku uu hawl iyo waajibaad shaqo oo isku mid ah maalin kasta sameeyaa, waxa ay jaan-goyn iyo xaddidaad ku yeelataa dabeecadihiisa, waana sababta ay maskax ahaan ragga iyo dumarku u kala duwan yihiin, ama aynu nidhaahno jinsi kasta maskaxdiisu waxa ay horumarkeeda si tallaabo-tallaabo ah u bilowdaa si waafaqsan waajibadka loo igmaday ruuxa.

Natiijada ka dhalatay: Haddii aynu doonayno iyo haddii aynu diidaynaba waxaa qasab ah in mar dambe oo sannado badan kadib ah, uu ruux kastaa heli doono maskax iyo caqli ku habboon jinsiga uu yahay uun. Samaysanka maskaxda ee waafaqsan jinsiga uu qofku yahay waxa ay la soo bilaabataa dhalashada, waxaa iyaguna saamayn ku leh hidde-sidaha jinsi walba u gaarka ah ee la soo bilowday bilowgii nolosha aadamaha, kuwaas ayaanu ka dhashaa xirfadda iyo kartida qofka iyo weliba meelaha uu u liito. (Sidaa awgeed maskaxda ragga iyo dumarku abuur ahaan ayaa ay u kala duwan yihiin suurtogalna ma’aha in ay isku si wax u arkaan, u fikiraan ama u dhaqmaan, si kasta oo la isugu dayo). Marka aan soo koobo, kala duwanaanshiyaha labada jinsi waa mid abuur ah, oo aan la isu keeni Karin, xataa is-dhex-galka bulsho iyo isku-milanku saamayn xooggan kuma yeelan karaan samaysanka iyo horumarka maskaxeed ee labada jinsi.

Xeel-dheerayaasha iyo culimada falanqaysa arrimaha aadamuhuna waxa ay xaqiijinayaan in wiilka iyo gabadhu ay kala duwan yihiin maskax ahaan abidkoodna kala duwanaan doonaan, xataa haddii marka ay dhashaan inta la isu sooco meel cidlo ah la geeyo kelidood, hab-dhaqankooda iyo dabeecaddooduna sidaas ay tahay ayaa ay u kala geddisanaanaysaa, tusaale ahaan inantu marka ugu horreysa ee ay ciyaar hungurayso waxa ay ku fikraysaa caruusad iyo in ay ku ciyaarto hawlo xidhiidh la leh shaqada gabadha, wiilkuna kubbad, gaadhi, baastoolad iyo hawlo la xidhiidha shaqada ragga ayaa uu ku maskax furayaa, xataa haddii labbiska ragga inanta loo xidho ama wiilka loo xidho kurdadaha inanta yar, dabeecaddoodu sidaas iskama beddelayso waa abuur aan la beddeli karin. La soco…