“Kala Danbayntii Iyo Nidaamkii Dawladnimo Jileec Ayaa Galay, Sababtu Waxay Doonto Ha Noqoto, Waa Xaqiiq”

0
983

Mr. cabdikariin xinif oo ka tirsan xukuumadda

Burco(Geeska)-Agaasimaha muumulka xakamaynta AIDS-Ka ee Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed ( Xinif ), ayaa ku tilmaamay dawladnimadii Somaliland inuu ku yimi jileec iyo habacsanaan dhanka maamulka ah.

Masuulkan oo ka tirsan xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa si adag u sheegay in arintaas la hubo, waxaanu musharax Muuse Biixi ku tilmaamay mid nidaamka dalka ku adkaan doono. waxa uu masuulkani arimahan ka sheegay xaflad taageerayaal lagu soo dhawaynaayay xisbiga Kulmiye oo uu fadhiyo musharax Muuse Biixi.

Agaasimaha muumulka xakamaynta AIDS-Ka ee Somaliland Cabdikariin Xinif ugu horayntii waxa uu yidhi”Kala danbayntii iyo nidaamkii dawladnimo jileec ayaa galay,sababtu waxay doonto ha noqoto, waa la hubaa, waa xaqiiq.”

Agaasime Xinif oo arimahan sii wataa waxa uu yidhi”Baryo dhexdaas ahayd oo aan Muuse yara necbaa wax allaale iyo wax wanaag ah oo uu lahaa mabaan arki jirin, haduu hadlo waxaan odhan jiray waxa uu ku hadlaayay ma maqlayseen oo maxuu sidaas u odhan waayay, waxaanu fadhi jirnay meel aan fadhniin lahayn, waa isha uu qofku wax ku eegayo marka aanay cadaaladi jirin, waan hubaa inuu nidaamka iyo sharciga ku adkaan doono, oo  aanay habacsanaan jiri doonin aniga ayaa huba.”

Agaasimaha muumulka xakamaynta AIDS-Ka ee Somaliland Cabdikariin Xinif waxa uu dhaliilay laba kooxood oo xisbiga Waddani ku biiray”Waxa jiray niman aanu saaxiibo ahayn, oo imikana fadqalalo Waddani la galay xisbi islaam ah ayuu baryo dhawayd Waddani ahaa oo balaayo ayuunbaa u gashay, laba qolo oo u galay kuwo kulmiye ka yaacay iyo kuwo la yidhi waa Muuse reerkooda labadaas qolo fadqalalo ayay ula galeen.”

Agaasimaha muumulka xakamaynta AIDS-Ka ee Somaliland Cabdikariin Xinif waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Waxaan guddoomiyaha xisbiga ka codsanayaa doorashadaas insha allaahu waa uu ku guulaysanayaaye marka uu ku guulaysto raga uu xilka u dhiibi doon intaanu xilka u dhiibin nin walba hantidiisa inuu u diiwaangaliyo, waxaas loo diiwaangaliyay waxa ka badan waa boob umadda la boobay, waxaas imika nalagula dagaalamayaa waa hantidii umadda laga boobay.”