= Kaftanka Maanta , Kulmiye Muxuu Badalayaa =

0
1205

Axmed Guruje

Madaxwaynihii koowaad ee Wadanka Tansaniya , Macalimu Juliyas Nayreeri ayaa markii uu Madaxwaynaha ka ahaa Wadankiisa horaantii Lixdaankii wuxuu qaatay  nidaamka Shuuciga ah ,waxaanu dejiyay qorshe dadka reer miyiga ah laggu soo uruurinayo magaalooyinka si dadka magaalooyinku u bataan cudud dhaqaalena u noqdaan .

Muddo dhawr sanadooda markii qorshahaasi socday ayaa dhaqaalihii wadanku dhulka galay ,Beerihii cudbiga iyo qudaarta ahaa ayaa baaba’ay , wadankiina jilbaha ayuu dhulka ku dhuftay .

Markii xaaladii wadanka uu qiimeeyay Nayreeri ee uu arkay in hindisihiisi fashilmay , ayuu qaatay go’aan geesinimo , waxaanu jeediyay khudbad Taariikhi ahayd oo ay ka mid ahaayeen ‘’ Hadii cadaankii wadankeena joogi jiray arki lahaayeen beeriihii cudbigu siday u qalaleen way ooyi lahaayeen, qasaraahaana anigaa gaystay ,  qorshahaygiina wuu fashilmay , sidaa awgeed waan iska casilay xilkii aan idiin hayay ‘’ .

Imika Sarafkii lacagtu meel xun buu marayaa , maceeshadiina way sii qaaliyoobaysaa , Siyaasadii Xisbiga Kulmiye ee ku salaysnayd Dhaqaalaha iyo Ganacsiguna waxay u muuqataa mid fashilantay , hassa yeeshee weli kuma ay dhawaaqin inay fashilkooda qirtaan , heerka wax marayaana waa mid aan qarsoonayn oo cid walba saameeyay , sidaas oo tahay , hadana waxay rabaan in mar kale la doorto oo loo doorto Hogaminta Wadanka Dhaqaalaha ay sidan ugu fashilmeena uu ku jirro , sidaa markay tahay, waxa la is waydiin karaa hadiiba kulmiye la doorto Kulmiye kulmiye bedelay muxuu badalayaa :-

Kulmiye wax kale badeli maayee ,wuxuun buu badalayaa :-

Muuse oo Axmed bedela .

Saylici oo saylici badala .

Jaamac shabeel oo Cukuse bedela .

Maxamed Kaahin oo Cali Mareexaan badela .

Gaafaadhi oo Maxamuud xaashi bedela .

 C/kariin Xinif oo Wasiirka Macdanta bedela .

Xasan Siciid oo Wasiir Qabo badela .

Axmed Cabdi dheere oo Farxaan bedela .

Axmed Muumin oo C.laahi Dheere bedela .

Maxamed C/laahi cumar oo Wasiir Sacad bedela .

 Maxamed Cali Bille oo Wasiir samsam bedela .

Iyo Ilka-case oo Afhayeenka Madaxtooyada bedela .

Isku soo wada duuboo , Kulmiye kulmeye badalaa , magacyo is badalay wax ka badan bedeli maayo .