Kaftanka Googooska Geeska: Weli ma is weydiisay sababta ninku marka uu ammaanayo Gabadha uu jecel yahay uu dayaxa ugu mesalo? Q:2aad Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
1033

 

5855. Dayaxu waa uu is rogrog badan yahay: Mararka qaar waxa uu dayaxu muuqdaa isaga oo dhamaystiran, mar kale ayaa haddana aynu aragnaa nusqaan ku jirta iyo in uu jeex maqan yahay, mararna gebi ahaantiiba waa uu qarsoomaa. Waxa ay astaan u tahay shakhsiyad daciif ah, oo mar kasta halgan ugu jirta sidii ay u muuqan lahayd, laakiin inta ay guulaysanayso iyo guul darradu is le’eg yihiin. Ninku waxa uu gabadha u muujinayaa in si kasta oo ay u dadaasho haddana gal-dalooladeedu aanay qarsoomi karin. Isaguna aanu isku hallaynayn sida quruxda iyo ilayska dayaxaba aan bisha oo dhan la isugu hallayn karayn. Qorraxdu ma tagaan laba boglaynta iyo hadba si isu ekaysiinta, sida ay ku dhalatay ayaa ay ku god gashaa, wacadka kama baxdo oo maalinna laguma hungoobo.

 

6. Qorraxdu: Qorraxdu waa rajada nolosha waa astaanta shaqada iyo risiq raadinta waa tilmaamta saacadaha cibaadada, waa sababta roobka dhalisa, waa waqtiga ugu qaalisan ee aynu danteenna raacanno, laakiin ninku waa uu u quudhi waayey in uu gabadha ku tilmaamo qorax oo waxa uu kala bakhaylayaa wanaaggaa, markaasuu ka dhigay dayax, Haa, dayaxu waa astaanta caajiska iyo hurdada, waa xilliga kifaaxa nolosha laga nasto, waa waqtiga la qorsheeyo wixii berry la yeeli lahaa. Sidaa awgeed waxa uu ninku gabadha u sheegayaa in ay tahay gogol uu ku nasto balse aanay kifaaxa noloshiisa waxba ka tarayn, in ay tahay waqto uu firfircoonida iyo halganka nolosha ka fadhiyo oo uu ku koobnaado gudaha afarta derbi ee gurigiisa. Arrimahan oo dhami wawxa ay muujinayaan in ay dulmi tahay in qofka aad jeceshay aad ku tilmaamto dayax, waxa ay muujinayaan in ninku aanu si kasta oo jacayl u hayo marnaba gabadha daacad u ahayn ama u hagar baxayn in uu u sheego runta wanaaggeeda. Haddii kale ha u sheego in ay dayax tahay oo aanay qorrax ahayn. Dhammaad