Kaftan: Weli Ma Is Weydiisay Sababta Ninku Marka Uu Gabadh Ammaanayo Uu Ugu Tilmaamo Dayaxa?

38
3250

Hargeysa (Geeska)- Nin ka mid ah dadka hadalka dhadhansada ee u fiirsada dhinacyadiisa taban iyo togan, iyo weliba macnayaasha mararka qaarkood uu ereygu bixin karo iyada oo aan loola jeedin, ayaa mar la weydiiyey sababta uu ninku inta badan quruxda iyo ammaanta gabadha uu jecel yahay uu ugu soo tusaale qaato dayaxa iyada oo aynu og nahay in qorraxdu ka ilays iyo qurux badan tahay. Ninkan oo sida muuqata aanu kaftan ka madhnayn ayaa isbarbar dhig ku samaynaya dayaxa iyo qorraxda balse dhanka taban ka eegaya sababta ay raggu dayaxa ku doorteen. Waxa aanu ku doodayaa in ragga xataa haddii uu jacayl hayo haddana ay ku badan tahay munaafaqnimada dhinaca dumarka iyo in aanu si niyad ah u ammaanin, sababtaas awgeedna ay dayaxa ku doortaan, waxaanu isku barbar dhigay sidan:

  1. Dayaxu waa khaayin iyo beenaale: Ilays aanu lahayn oo ka qorraxda ah ayuu soo qaataa markaasuu siyada muraayadda inagu soo celiyaa, isaga oo iska dhigaya in uu ilayskiisii yahay.. halka qorraxdu ay daacadnimada ka gaadhay inta ay is gubto ay kulaylka ka dhashadadka ku diiriso, ilayskeedana dharaarta ku caddayso. Haddaba marka qofka aad jeceshay ku tilmaamayso dayax, waxa aad u jeeddaa in gabadha aad jeceshay ay qurux badan tahay, laakiin khiyaamo aanay ka madhnayn oo quruxdeedu ay tahay mid aanay iyadu u dhalan sida dayaxuba ilayska aanu isagu ugu dhalan.
  2. Qorraxdu waa ay dhowrsoon tahay: Illaa hadda aadamuhu ma’uu gaadhin qorraxda, halka dayaxa ay ka gaadheen, marar badanna muddo ku negaadeen. Qorraxdu ma jecla in indhuhu ku bataan oo qofna ma awoodo in uu indhihiisa si toos ah muddo ugu eego, halka dayaxa aynu muddo u fiirsanno. Sidaa awgeed haddii uu ninkani gabadha ku tilmaami lahaa qorrax waxa uu macnuhu noqon lahaai n ay tahay qof dhoowrsoon oo aan cid kale xataa indhaha la soo gaadhin, laakiin nasiib darro sifadaa fiican waa uu kala bakhaylay, taas macnaheeduna waxa uu noqonayaa in ammaantaa uu dayxa kagala mid dhigay su’aalo gelinayso dhowrsoonaanteeda.
  3. Dayaxu galdaloolooyin badan ayuu leeyahay: Haddii u sii fiirsato muuqaalka dayaxa waxa aad ku arkaysaa baro madow iyo wax buuro u eeg hadhkoodu uu ka dhex muuqdo, inta badan barahaas ka dhex muuqan lahaa dayaxa waxaa qariya daruur yar oo aad bootar mooddo oo badanaa ka ag dhow, marka laga tago habeenno aad u yar oo cirku wada saafi yahay, sidaa awgeed in ninku uu gabadha dayax ku mesalaa waxa ay noqon kartaa in uu u jeedo in quruxdeedu aanay dhamays ahayn oo is qurxin iyo walxo kale ay ku qarinayso ceebaheeda dhinaca muuqaalka.
  4. Qorraxdu waa ay dhow dahay: Haa Qorraxdu si kasta oo ay inooga fogtay haddana waa ay dhow dahay, ilayskeeda marka aad eegto iyo kulaylkeeda marka aad eegtaba kaama foga ayaad is odhanaysaa, oo waa innaga nidhaahna, maanta qorraxdii ayaa madaxa la isu saaray innaga oo u jeedna kulaylkeeda oo badan, fallaadhaya qorraxdu waxa ay jidhkeenna siiyaan shucuur iyo dareen firfircooni ah, waxa aanu ka helaa maaddooyin iyo Faytamiinno caafimaadka jidhka wax ku tara, faa’idooyinkeedaas ayaana inagu qasbaya in aynu ugu dul qaadanno kulaylkeeda mararka qaar ina dhiba, laakiin dayaxu si kasta oo uu u cad yahay ilayskiisu dhamays ma’aha, waxa aad dareemaysaa in uu meel fog kaa joogo, mana laha faa’idooyinka caafimaad ee qorraxda. La soco qayb kale oo xiiso badan.
  5. Dayaxu waa uu is rogrog badan yahay: Mararka qaar waxa uu dayaxu muuqdaa isaga oo dhamaystiran, mar kale ayaa haddana aynu aragnaa nusqaan ku jirta iyo in uu jeex maqan yahay, mararna gebi ahaantiiba waa uu qarsoomaa. Waxa ay astaan u tahay shakhsiyad daciif ah, oo mar kasta halgan ugu jirta sidii ay u muuqan lahayd, laakiin inta ay guulaysanayso iyo guul darradu is le’eg yihiin. Ninku waxa uu gabadha u muujinayaa in si kasta oo ay u dadaasho haddana gal-dalooladeedu aanay qarsoomi karin. Isaguna aanu isku hallaynayn sida quruxda iyo ilayska dayaxaba aan bisha oo dhan la isugu hallayn karayn. Qorraxdu ma tagaan laba boglaynta iyo hadba si isu ekaysiinta, sida ay ku dhalatay ayaa ay ku god gashaa, wacadka kama baxdo oo maalinna laguma hungoobo.
  6. Qorraxdu: Qorraxdu waa rajada nolosha waa astaanta shaqada iyo risiq raadinta waa tilmaamta saacadaha cibaadada, waa sababta roobka dhalisa, waa waqtiga ugu qaalisan ee aynu danteenna raacanno, laakiin ninku waa uu u quudhi waayey in uu gabadha ku tilmaamo qorax oo waxa uu kala bakhaylayaa wanaaggaa, markaasuu ka dhigay dayax, Haa, dayaxu waa astaanta caajiska iyo hurdada, waa xilliga kifaaxa nolosha laga nasto, waa waqtiga la qorsheeyo wixii berry la yeeli lahaa. Sidaa awgeed waxa uu ninku gabadha u sheegayaa in ay tahay gogol uu ku nasto balse aanay kifaaxa noloshiisa waxba ka tarayn, in ay tahay waqto uu firfircoonida iyo halganka nolosha ka fadhiyo oo uu ku koobnaado gudaha afarta derbi ee gurigiisa. Arrimahan oo dhami wawxa ay muujinayaan in ay dulmi tahay in qofka aad jeceshay aad ku tilmaamto dayax, waxa ay muujinayaan in ninku aanu si kasta oo jacayl u hayo marnaba gabadha daacad u ahayn ama u hagar baxayn in uu u sheego runta wanaaggeeda. Haddii kale ha u sheego in ay dayax tahay oo aanay qorrax ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here