Kacbada Oo Barkulanka Twitter Ku Yeelatay Bog Rasmi Ah Oo Ay Wararkeeda Ku Faafiso Iyo Farriinteedii U Horreysay

0
950

Riyaad (Geeska)- Dawladda Sucuudiga ayaa markii ugu horreysay kacbada bog rasmi ah uga furtay barkulanka internet ka ee Twitter.

Bartan twitter oo ay dawladda Sucuudigu si rasmi ah uga diiwaangelisay shirkadda Twitter si magaca aanay cid ujeedo xun lihi dadka ugu qaldan ayaa saacado gudahood markii la sameeyey dadka la socdaa waxa ay kor u dhaafeen 25 Kun oo qofk, iyada oo tiraduna si xawli ah daqiiqad kasta u sii kordhaysay.

Farriintii koowaad ee lagu faafiyey barta ay Kacbadu ku yeelatay barkulanka bulshada ee Twitter waxa ay ahayd sawir maloawaal ah oo loo ekeysiiyey muuqaalka dusha saree e kacbakada iyo hareeraheeda marka la dawaafayo, waxa aana dusha sare lagaga qoray kelmado afcarabi ah oo macnahoodu yahay, “Kacbadu waa astaanta nabadgeylyada ee diinta Islaamka”

Bartan twitter ka ee loo calaamadiyey kacbada ayaa ujeedadiisa koowaad ay tahay in laga hortago in cid ujeeddo qaldan lihi ay barkulannada bulshada ku faafiso baro aanay lahayn kacbadu oo sida dhambaalo qalad noqon kara, arrinta labaad ee looga gol leeyahay ayaa ah in kor loo qaado hadalhaynta kacbada ee muslimiinta dhexdooda iyo in arrimaha kacbadaha khuseeya si gaar ah bartan loo mariyo.