Kaarboon Laba-Ogsaydhka Iyo Heerkulka Jidhkuba Waxa Ay Ka Mid Yihiin Sababaha Kaneecadu U Jeclaysato Qaniinyada Qofka

0
737

3. Kaarboon Laba Ogsaydh: Waxa ay khubaradu caddaynayaan in kaneecada waxyaabaha soo jiita uu ka mid yahay Kaarboon Laba-Ogsaydh ka, shaybaadho tijaabo ah oo kaneecada lagu sameeyeyna waxa ay muujiyeen in ay leedahay awood yaab badan oo ay ku urin karto halka uu ka urayo Kaarboon Laba-Ogsaydhku xitaa haddii ay tahay masaafad dhan 50 Mitir.

Sida caadiga neefta uu qofku soo celiyo marka uu neefsanayaa waa Kaarboon Laba-Ogsaydh, taasna waa sababta ay kaneecadu sideedaba dadka si guud u wada qaniinto, haba ku kala badnaato ama haba kala jeclaato ee. Waxaana muhiim ah in aynu ogaanno in ay qiyaas ahaan kala badnaan karto Kaarboon Laba-ogsaydhka uu qofku soo celinayaa, oo tusaale ahaan dadku sida ay u kala dhumuc/qolof weyn yihiin ayaa ay u kala badan tahay neefta Kaarboon Laba-ogsaydhka wadata ee uu soo celinayaa. Waxyaabaha badiya waxaa ka mid ah dhererka oo qofka dheer ayaa ka kaarboon laba-ogsaydh badan ka gaaban, waxa kale oo ka mid ah miisaanka oo mar kasta oo uu sii weynaado uu qofku kaarboon laba-ogsaydh intii hore ka badan soo saarayo.

Faaidada marawaxadda

Sida aynu ognahay marawaxadda oo aad shidataa waxa ay yaraysaa kaneecada, sababtuna waa ta la wada garanayo ee ah in ay hawada marawaxaddu kaneecada ka duwayso jidkeeda ama tuurayso, sababta kale ee aanay dadka badankoodu ogeyna waa in hawada marawaxaddu ay markaba kala kaxaynayso Kaarboon laba-ogsaydhka qofku soo saarayo marka uu neefsado, sidaa awgeed ay kaneecadu ku jaahwareerayso in ay hesho halka uu Kaarboon kaasi ka imanayo.

4. Kulka: Kaneecadu inta badan waxa ay jidhka ka qaniintaa meelaha uu dhiiggu ka dhow yahay ee dhinaca maqaarka ku soo dhow yahay. Waxaa ka mid ah dhabannada, suxullada, raqabadda iyo cumaacumaha. Kulka (Xaraaradda) jidhka ayaa ay kaneecadu ka faa’idaysataa oo ay raadsataa halka uu ku badan yahay, maadaama oo ay og tahay in xaraaddaasi wareegga dhiigga kordhinayso, sidaa awgeedna ay micideedu meel dhow dhiigga ka gaadhi karto.

Waxa ay khubaradu si gaar ah uga digaan marka uu qofku jimicsiga sameeyo kadib, waayo jidhka oo dhan ayaa kulaylkiisu sarreeyaa markaas, sidaa awgeed kaneecada aad ayaa uu u soo jiitaa.