Kaalinta Uu Talefanka Casriga Ahi Ku Leeyahay Nolosha: Saaxiibkaa Iyo Talefankaaga Gacanta Kee Kuu Dhow?

0
649

1London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo ay samaysay shirkadda Kaspersky Lab ayaa daahfurtay in saddex meelood lab aka mid ah dadka isticmaala talefannada casriga ahi aanay wax dhib ah u arkayn in ay saaxiibbadood kala fogaadaan oo ay ku mashquulaan talefankooda Smart phone ka ah.

Sahamin lagu sameeyey dad kala duwan oo laga cosaday in ay sheegaan sida ay ugu kala muhiimsan yihiin ama u kala door bidayaan dadka iyo qalabka noloshooda ka midka ah ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 37 ka mid ah dadkani ay calaamadiyeen in talefannadooda casriga ah ee gacantu ay ka muhiimsan yihiin saaxiibbadooda aadka u dhow ama ugu yaraan ay la mid yihiin. Daraasaddan oo samaynteeda lala kaashaday jaamacadaha Wurzburg oo Jarmalka ah iyo Nottingham Trent oo Ingiriiska ku taalla, isla markaana ay maalgelisay shirkaddan Kaspersky Lab ayaa natiijadeedu ku soo ururtay in talefannada gacantu ay u dhow yihiin in qofku uu saaxiibbadii ka door bido iyaga.

Tijaabada daraasaddani intii ay socotay waxaa ka qaybgalayaasha laga codsaday in ay liis geliyaan qalabka iyo shakhsiyaadka noloshoodu qaaliga ku ah, iyaga oo u kala horreysiinaya sida ay u kala doorbidayaan, isla markaana dadka iyo alaabooyinka aan kala saarayn ee isku dhex daraya.

In kasta oo natiijada ka soo baxday daraasaddani muujinaysay sida ay dadkani muhiimadda weyn ugu hayaan qoyska, saaxiibbada iyo xayawaananda ay dhaqdeen, haddana waxaa laga dhex dareemayey in talefanka casriga ahi uu muhiimad weyn ku leeyahay agtooda, qaar badan oo ka mid ahina iyaga oo aan dareensanayn ayaa ay saaxiibbadood xitaa ka horumariyeen talefanka gacanta ee ay haystaan.

Dad tiradoodu ka badan tahay boqolkiiba 29 dadkii wax la weydiiiyey ah ayaa la ogaaday in talefanka casriga ah ee ay sitaan uu kala muhiimsan yahay ama u dhigmo halka ay dhigeen labadooda waalid, halka shantii qofba mid ka mid ah (20%) la arkay in muhiimadda ay talefanka u hayaan ka badan tahay ama la mid tahay ta ay u hayaan mataanka ay nolosha la wadaagaan (Ninka haddii ay gabadh tahay, ama gabadha haddii uu nin yahay). Boqolkiiba 17 dadkan ka mid ah ayaa la ogaaday in talefanka casriga ah ee ay sitaan kala qiimo badan yahay dadka xidhiidhka ama ehelnimadu ka dhexeyso oo dhan, halka boqolkiiba 1 ka mid ahina uu talefanka gacantu yahay waxa uu uguba jecel yahay nolosha oo dhan.