Boodhweyn Oo Digniin Ah Ayaa Uu Gurigiisa Ku Dhejiyey Isaga Oo Farriin U Diraya Tuug Gurigiisa Xadday

0
1173

Qaahira (Geeska)- Muwaadin u dhashay dalka Masar ayaa foodda hore ee gurigiisa dabaqa ah waxa uu ku dhejiyey boodh weyn oo kuu ku qoray farriin ku socota laba tuug oo gurigiisa dhowaan xaday. Muwaadinkan oo doonaya in labadan tuug ay dib ugu soo celiyaan alaabada ay ka xadeen, ayaa boodhkan ku sheegay haddii aanay digniintiisa qaadan sida uu u sheegayna yeelin, oo aanay alaabta iska soo celin, in uu dacwaddooda u gudbin doono hay’addaha amniga ee dalka Masar.

Dhacdadan oo dad badan qosol iyo maadays ku noqotay ayaa ka dhacday degmada Asiyood ee koonfurta Masar, waxa aanay dadka degmadani mar keliya ku warheleen guri dabaq ah oo ku yaalla jidka ‘Alxasan Walxsueyn’  oo dusha sare lagaga dhejiyey boodh weyn. Boodhkan waxaa ku qoran ereyo afka dalkaas lagaga hadlo ee Carabiga ah oo macnahoodu noqonayo, “Tuuggii Gurigan soo galayoow, waa aad is garanaysaan adiga iyo ninkii kula socdayba, waxa aan idiin sheegayaa in muddo 15 sano ah aanu tuug ku dhicin in uu xado gurigayga, ama xitaa guryaha kale ee aanu jaarka nahay. Waxa aan ku farayaa, ‘Soo celi alaabtii aad xadday’, aniguna waxa aan kuugu bishaaraynayaa in aan ku saamixi doono, si aanu mustaqbalkaagu u lumin. Dabcan. Waa aan ku garanayaa oo dadka jaarka ah ayaa ku arkayey”

Sida lagu sheegay warkan xiisaha leh oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya, labadan tuug illaa markii warkan la qorayey ma’ay aqbalin soo jeedinta iyo talada uu ninkani boodhka ugu qoray, laakiin waxa ay noqotay sheeko xiise gaar ah leh oo sawirka guriga iyo qisaduba ay maalmihii ugu dambeeyey haysteen baraha bulshada ee dadka Masar isticmaalaan.

Ninka guriga la xaday lahaa ayaa markii uu arkay in labada tuug ee gurigiisa u dhacay ay ogolaan waayeen in ay alaabtaas si nabadgelyo ah ku soo celiyaan, waxa uu dacwad rasmi ah u gudbiyey waaxda ammaanka ee degmada. Waxa aana la filayaa in ay soo qaban doonaan labadaa nin oo wejigooda la garanayo, sida uu ninkani sheegay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here