Ka Fogow Sagaal Nooc Oo Ka Mid Ah Cuntada Oo Sababi Kara Cudurka Kansarka Noocyadiisa Kala Duwan

0
759

Qaahira (Geeska)- Barnaamij caafimaad oo uu sii daayo Talefishanka MBC ayaa toddobaadkan lagu soo qaatay xidhiidhka ka dhexeeya cuntooyinka qaar iyo cudurka kansarka. Xeeldheere caafimaad oo marti u ahaa barnaamijkan oo lagu magacaabo Tufaaxa Cagaaran ayaa tiriyey toban nooc oo ka mid ah cuntooyinka ay cilmibaadhayaasha caafimaadku aaminsan yihiin in ay sababi karaan cudurka Kansarka, waxa aana ka mid ah cuntooyin ay dadku si aad ah u jecel yihiin.

1. Saliidda dhowr jeer karsanta: Dadka qaar oo u badan ganacsatada cuntada ayaa caado ka dhigta in ay saliidda cuntada hal mar wax ka badan wax ku shiilaan, tusaale ahaan in saliidda ay quraac ama saambuuse hore ugu shiileen isla iyadii uun mar dambe saambuusha ama quraac ku shiilaan. Xeeldheerayaasha caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in saliidda cuntada oo marar kale wax lagu shiilaa ay qofka cuntadaas cuna ku keeni karto.

Khubaradu waxa ay arrintan ku sababeeyeen in cuntadu marka ay mar wax ka badan karto ay soo saarto maaddooyin ah Hydrocarbon oo khatar ah saamayn tabanna ku yeesha caafimaadka.

2. Cuntooyinka Shiilan: Cunista cuntooyinka shiilani waxa ay halis ku yihiin guud ahaan caafimaadka qofka, waxa aanay kor u qaadaan khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka Kansarka, sababtuna waa maadadda Acrylamide oo ku dhalata cuntada, oo kor u qaadda heerka khatarta ah in qofka uu Kansar ku dhaco.

3. Dhan-dhanaanka: Baadhitaanno cilmiya oo lagu sameeyey walxaha warshadaysan ee dhandhanaanka, udugga iyo macaanka ku kordhiya cuntada, sida busbaasyo, kajabta iwm, oo inta badan lagu daro cuntooyinka gaar ahaan kuwa dhaqsaha ah Beergarrada.

Daraasado cusub ayaa daahfuraya in cunista badan ee dhandhanaanku uu badiyo khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka Kansar noociisa ku dhaca caloosha iyo midhicirada. Waxa aanay arrintan ku sababeeyeen milixda iyo maaddooyin kale oo laga sameeyo walxahan, kuwaas oo la aaminsan yahay in ay ka mid yihiin sababaha ugu muhiimsan ee keena Kansarkan.

4. Sonkorta Macaanka: Cilmibaadhis caafimaad oo dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in isticmaalka sonkorta Diet ka loo yaqaanno ee ay adeegsadaan dadka macaanka qaba iyo inta miisaanka la dagaalamaysaa ay ka mid tahay sababa keena cudurka Kansarka. Cilmibaadhayaal ka tirsan xarunta Anderson oo ka tirsan jaamacadda Texas ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in qofka oo muddo dheer joogteeya isticmaalka sonkorta samayska ah ee aan macaanka lahayn in ay sababto in jidhka ay ku abuurmaan burooyin kansar, gaar ahaan nooca ku dhaca naaska.

5. Cuntada qiiqa lagu bisleeyo: In la cuno cuntooyin dabka tooska ah lagu dubo, oo aalaaba uu qiiqu gaadho ayaa ay khubarada caafimaakdu ka digeen in ay khatar ku keenayso caafimaadka qofka, iyaga oo arrintaas ku sababeeyey in gubista cuntada ay ka dhalato maaddo lagu magacaabo Polycyclic Hydrocarbon oo si toos ah u sababta kansarka ku dhaca ganaca.

6. Hilibka warshadaysan: Cunista hilibka qasacadaysan oo isaga oo noocyo badan la dunida la isticmaalo ayaa ay khubarada caafimaadku qireen in ay kor u qaaddo khatarta ah in qofka uu ku dhaco kansarka noociisa midhicirada weyn.

7. Khudradda iyo cuntada ka soo go’do dhirta lagu buufiyey sunta cayayaanka: Inta badan ee sunta cayayaanka beeraha ka disha ayaa la aaminsan yahay in ay khatar ku tahay caafimaadka carruurta iyo dadka waaweyn, ee cuna khudradda ka soo go’da beerta suntaas lagu buufiyo. Waxa aanay dhakhaatiirtu sheegayaan in sunta beeruhu ay ka mid tahay sababaha ugu waaweyn ee keenka Kansar.

8. Cuntooyinka qasacadaysan: waxaa lagu daraa maaddooyin ilaaliya midabka, dhadhanka ama khaayiska ka dhowra cuntadan la qasacadaynayo, maadaddaas oo afka qalaad lagu yidhaahdo, Preservaties ayaa keena noocyo ka mid ah Kansarka.