Ka Feejignow, Dilaaga Koowaad Ee Ragga

0
833

Moscow (Geeska)- Haayadda Caafimaadka adduunka ee Qaramada Midoobey ayaa soo saartay qaylo dhaan ragga dunida uga digaysa khataraha ka dhasha cudurka caabuqa ku dhaca qanjidhka ragga (Prostate) oo inta badan qofka uu ku dhacaa u dhinto, waxa aana ugu weyn xaaladaha ka dhasha caabuqan kansarka noociisa Prostate.

Caabuqa ku dhaca qanjidhka ragga ayaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay khataraha ugu waaweyn ee ka hor yimaadda nolosha ragga dunida maanta ku dhaqan, iyada oo la og yahay in tiro aan ka yaryan boqolkiiba 75  dadka uu ku dhaco xanuunkani ay u dhintaan xaaladaha caafimaad ee isaga ka sii abuurma.

Sergey Dobravin oo madax ka ah maxadka hab-dhiska kaadi mareenka ee magaalada Moscow ayaa Russia today oo Geeska Afrika warkan ka soo xigtay u sheegay in ay kor u kacday tirada ragga dunida ugu dhinta caabuqa ku dhaca qanjidhka Prostate ka, iyada oo boqolkiiba 70 illaa 80 ragga uu ku dhacaa ay u dhintaan xanuunkan iyo xaaladaha ka dhasha, waxa uu khabiirkani sheegay iin baadhitaanno la sameeye yay caddaynayaan in ragga qaba caabuq-daran oo Prostate ka ah, balse se aan weli Kansar isu beddelin oo hore loo saadaalin jireen in haddii aanay iska daweyn ay u dhimanayaan caabuqaas daran muddo 10 illaa 20 sano gudahood ah in tiradaasi ay hadda aad u yaratay oo 3 illaa 12 sano gudahood ninku u dhimanayo caabuqan haddii aanu iska daweyn.

Dhakhtarkani waxa uu sheegay in dhibta ugu weyni ay ku timaaddo ragga oo marka uu caabuqu yar yahay aan dhakhtarka u tegeyn si loo daweeyo iyaga oo sahal u arka awgeed, halka qaarkoodna ay ka khajilaan in ay dhakhtarka xaaladdan kala hadlaan, taasina ay keento in goor caabuqii meel daran gaadhay ama kansar isu beddelay uu dhakhtarka u tago.