Joogtaynta Salaadda Iyo Wanaajinta Tukashadeeda Waxaa Laga Helaa Cimri Dherer

0
1064

Picture7Hargeysa (Geeska)- Cilmi baadhyaal daraasad qoto-dheer ku sameeyey faa'idooyinka jidh ahaan ku jira tukashada salaadda ayaa sheegay in salaadda oo la ilaaliyo tukashadeeda iyo weliba in si qurux badan loo gutaa ay fure u noqdaan in qofku ka qaado cimri-dherer.

Cilmi baadhistan oo natiijadeeda mar sii horreysay lagu faafiyey degelka Malaf, waxa lagu sheegay in baadhitaan lagu sameeyey dumar da' ah oo si joogta ah u ilaaliya tukashada iyo qurxinta salaaddu ay ugu yaraan boqolkiiba 20 ka yar yihiin muuqaalka da’dooda runta ah iyo weliba khatarta xanuunnada geerida soo dedejiya, waa marka la barbar dhigo dumarka dhiggooda ah ee aan tukan ama aan si joogto ah u tukan.  Khubarada samaysay cilmi-baadhistani waxa ay sheegeen in dhaqanka suuban ee diinta Islaamku dadkeeda bartay iyo in uu qofku si nidaamsan maalin kasta u tukadaa ay qayb libaax ka qaataan in qofku uu noqdo qof niyad ahaan deggen, acsaabtiisuna xasiloon tahay, taas oo ka badbaadinaysa xanuuno badan oo qofka ku keeni kara cimri deg deg.

Waxa ay khubaradu si gaar ah u sheegeen in qofka oo si joogto ah u caadaysta in uu salaadda ku tukado jamac dad badan ay si muuqata uga qayb qaadato xoojinta caafimaadka qofka iyo quruxda qaab-dhismeedkiisa jidheed, taas oo keenta in uu qofku bulshada ku xidhmo isla markaana noqdo qof mar kasta deggen farxadduna ku badan tahay.