Johrn Kerry Oo Toddobaadkan Imanaya Wadanka Itoobiya

0
592

Picture2Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry ayaa ku soo jeeda wadamo Afrika oo uu ka mid yahay wadanka Itoobiya ee Bariga Afrika.

Warsaxaafadeed shalay laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Mr. Kerry booqan doono toddobaadkan wadamo ay Itoobiya ka mid tahay. Wadanka Itoobiya wuxuu kula kulmi doonaa raysalwasaaraha Itoobiya iyo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, kuwaas oo uu kala hadli doono dedaalada nabadeed ee gobalka Geeska Afrika iyo xoojinta xidhiidhka Itoobiya iyo Maraykanka.

 

Waxa kale oo uu Mr. Kerry booqan doonaa wadanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo iyo wadanka Angola, kuwaas oo uu kala hadli doono horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqal insaanka.

 

Koongo wuxuu la kulmi doonaa madaxweyne Joseph Kabila oo uu  kala hadli doono sidii loo  hirgelin lahaa dimuqraadiyada iyo degenaanshaha iyo in doorashooyin xor iyo xalaal ah lagu qabto wakhtiga loogu tallo galay.

 

isagoo Angola kula kulmi doona Madaxweyne  José Eduardo, oo ay ka wada hadli doonaan arrimo ku saabsan nabadda gobalkaas iyo sidii loo sii xoojin lahaa.   John Kerry ayaa wuxuu dhawaan booqday qaar ka mid ah wadamada galbeedka Afrika.