Jimicsiyada Jidhka Iyo Ciyaaraha Isboortiska Qaarkood Waxa Ay Kordhiyaan Jilbo Xanuunka

0
1025

Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal Maraykan ah ayaa dhowaan ogaaday in jimicsiyada iyo ciyaaraha Isboortiska qaarkood oo ay ka mid yihiin kubbadda cagta, orodka dheer iyo ciyaarka legdintu ay kordhiyaan khatarta ah in qofka uu ku dhaco jilbo xanuun.

Jeffrey B. Driban oo ka tirsan xarunta caafimaadka ee Tufts oo ku taalla magaalada Boston ee dalka Maraykanka ayaa wakaaladda Reuters qaybteeda caafimaadka u faahfaahiyey natiijada cilmibaadhistan cusub, “In kasta oo ciyaartoyga caadiga ah aan cabsi looga qabin in uu ku jilbo olol ku dhaco haddana ciyaartooyada qaar ayaa xaaladahan lagu arkay iyada oo ay weli da’doodu yar tahay, gaar ahaan ciyaartoyga kubbadda cagta iyo kuwa ciyaara orodka dheer, legdinta iyo kuwa culayska qaada” ayaa uu yidhi Jeffrey, oo isaga oo hadalkiisa sii wata intaas ku sii daray, “Laakiin arrinta warwarka innaga yaranaysaa waa in xitaa ciyaarahan aynu soo sheegnay ee khatarta jilbo ololku ku badan tahay ay boqokiiba toban ka yar tahay”

Boqolkiiba 40 dadka uu xanuunka afka caafimaadka lagu yidhaahdo Inflammation kaga dhaco xagasha jilibka da’ kasta oo ay yihiinba, ay u badan yihiin kuwa uu hore dhaawac uga so ogaadhay jilibka ama kuwa miisaankoodu inta saxda ah ka badan yahay.

Natiijadan oo ay cilmibaadhayaashu ku faafiyeen Joornaalka Athletic Training bishii Juun ee sannadkan waxa ay ku sheegeen in aanay natiijadani si kama dambays ah u caddaynayn in ciyaarahan aynu soo xusnay ay kordhiyaan jilbo xanuunka, oo weli loo baahan yahay baadhiso dheeraad ah. Waxa kale oo ay sheegeen in ciyaaraha iyo tartannada kale ee ay ka mid yihiin kubadda kolayka, feedhtanka iyo dhugtanku aanay wax xidhiidh ah la lahayn jilbo xanuunka.

Jeffrey isaga oo la hadlaya dadka jimicsiga u baahan ee haddana ka baqanaya in uu jilbo xanuun ku keenana waxa uu talo ku siiyey, “Qofka doonaya in aanu ka hadhin jimicsiga iyo ciyaaraha, laakiin cabsi ka qaba in uu jilbo xanuun ku dhaco, ha doorto dabbaasha iyo baaskiil kaxaynta”

Xaaladda caafimaad ee afka caafimaadka lagu yidhaahdo Inflammation waa xaalad jidheed oo keenta in qayb ama xubin jidhka ka mid ahi casaato, bararto, kululaato inta badanna kaar iyo olol badan yeelato. Waxa ay ku yimaaddaa dhaawac, caabuq ama xaalad kale oo caafimaad darro.