Jidka Baligubadle Iyo Hargeysa Oo Si Rasmi Ah Loogu Bilaabay Daamur Dhigista

0
526

Picture2Hargeysa(Geeska)-Laamiga isku xidhaya magaalooyinka Baligubadle iyo Hargeysa ayaa dhismihiisa si rasmiya looga bilaabay duleedka koonfureed ee caasimada Hargeysa. Shirkada dhismaha laamiga fulinaysa ee China Horn Group, ayaa shalay wajigii koowaad ee laamiga Baligubadle bilaabay, iyagoo dhigay daamurkii loogu tala galay laamiga ee ugu horeeyay. Laamigan ayaa ah laamiga la dhigay badhtamaha caasimadda Hargeysa oo ay isla shirkadani fulisay.

Waxa goob joog ka ahaa guddiga wadada Baligubadle iyo dadweyne kale, waxaanay guddigu u mahadceliyeen cid kasta oo ka qayb qaadatay wejiga koowaad ee dhismaha jidkan Hargeysa iyo Baligubadle, waxaanay sheegeen in dhawaan munaasibad furitaan ah loo samayn doono furista wadadan.

Jidkan ayaa noqon doona mid qayb ka qaata isku socodka caasimada, magaalooyinka Hargeysa iyo Baligubadle. Waana markii ugu horaysay ee si rasmiya loo dhaqaajiyo jidka Baligubadle iyo Hargeysa.

Guddiga loo xil saaray hirgelinta laamigan ayaa rajo weyn ka qaba dhamaystirkiisa