Jeclaan Lahaaye Qof Taladan Oo Kale I Siiya Intii Aanan Siyaasiga Noqon

Published on Feb 17 2018 // Warar

Talo uu siyaasi Ruugcaddaa ahi Siiyey nin Dhalinyaro ah oo doonayey in uu siyaasadda ku biiro
W/T: Kamaal A. Ali

Waa warqad uu siyaasiga, aqoonyahanka iyo saxafiga ruugcaddaaga ah ee reer Kanada Michael Ignatieff, talo dhaxalgal ah ku siiyey nin dhalinyaro ah oo damacsanaa in uu siyaasadda ku biiro, kaas oo ka dalbaday bal hadda in uu talo iyo tusaale ka siiyo siyaasadda uu ku socdo.

Inta aynaan gudo gelin warqadda taladan uu siiyey siyaasigan da’da yar ee waayo-aragnimada soo biday, aynu wax yar ka nidhaahno Michael qudhiisa.

Michael Grant Ignatieff oo dhashay sannadkii 1947kii, waa qoraa, aqoonyahan, siyaasi hore, hal-abuur iyo saxafi u dhashay dalka Kanada. Waxa uu hore u ahaan jiray hoggaamiyaha xisbiga Liberal Party ee dalka Kanada. Afartii sano ee u dhexeeyey 2008 da illaa 2011 ka waxa uu ahaa hoggaamiyaha xildhibaannada mucaaradka ee golaha Baarlamanka. Sidoo kale waxa uu shaqooyin sare ka soo qabtay, jaamacadaha caanka ah ee Cambridge, Oxford, Toronto iyo Harvard oo uu illaa hadda joogo [Markii qormada la qoray].

Ignatieff oo dalka Ingiriiska ku noolaa intii u dhaxaysay 1978 kii illaa 2000 waxa uu ahaa saxafi caan ah, oo ka hawlgala talefishannada iyo idaacadaha, waxa kale oo uu ka mid ahaa tifatireyaasha wargeyska The Observer ee ka baxa dalka Ingiriiska.

Sannadkii 2006 da ayaa Ignatieff loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha baarlamanka ee dalka Kanada, isla sannadkaas ayaa uu u tartamay hoggaanka xisbiga Liberal Party, laakiin jagaadaas waa lagaga adkaaday, in kasta oo markii dambe waxaa loo gartay in uu noqday guddoomiye ku xigeenka xisbiga. Sannadkii 2008 da markii la gaadhay xilligii doorashada ayaa guddoomiyihii xisbiga Stephane Dion, si uu doorashada raysalwasaaraha uga qayb galo, uu xilkii guddoomiyaha xisbiga Liberal ka iska casilay, taas oo Ignatieff fursad u siisay in uu noqdo guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga, waxa aanu xilkaas sii hayey illaa 2009 ka.

Dhirbaaxadii ugu xumayd ee Ignatieff ka soo gaadhay siyaasaddu, waxa ay ahayd fashilaaddii soo gaadhay xisbigiisa ee keentay in uu golaha baarlamanka oo uu awood ku lahaan jiray, doorashadan ka noqdo xisbiga saddexaad, taas oo lagu tilmaamay in ay tahay barta ugu madow ee taariikhdiisa siyaasadda ka muuqata illaa maanta, maadaama oo loo tirinayey in uu qayb ka yahay fashilaaddii soo gaadhay xisbigiisa ee keentay in si aan caadi ahayn logaga tiro bato kuraasta golaha baarlamanka. Ugu dambayntiina 25 kii bishii shanaad 2011 ayaa uu Ignatieff iska casilay xilkii guddoomiyaha xisbiga.

Markii guuldarrooyinkaas siyaasiga ahi dhowr jeer isaga dambeeyeen, Ignatieff waa uu iskaga tegey siyaasadda, waxa aanu u baydhay dhinaca waxbarashada. Waxa uu bare ka noqday jaamacadda Toronto, isaga oo shaqadan wada ayaa uu haddana sannadkii 2013 kii dib ugu noqday jaamacadda kale ee Harvard Kennedy School. Ignatieff oo qoray buuggaag door ah iyo maqaallo tiro badan, qoraalkan hoose oo ahaa warqad talo iyo tilmaam xambaarsan, waxa uu u qoray nin dhalinyaro ah oo xisbigiisa Liberal Party ka tirsanaa, kaas oo doonayey in uu u ban baxo siyaasadda. Wiilkan oo waayoaragnimo bidayey, ayaa go’aansaday in inta aanu hawlaha siyaasadda lugaha la wadagelin uu talo iyo tusmayn waayeel weydiisto Ignatieff.

Taladii uu Ignatieff siiyey wiilkanina waxa ay noqotay warqaddan soo baxday 22 kii Noofambar 2015 kii, oo uu ku baahiyey deggelka internet ka ee, www.newrepublic.com.

Saaxiib,

Waxaa dareenkayga aad u soo jiitay, in aad talo iga soo weydiisay ku biirista siyaasadda. Qof kasta oo taariikhdiisa siyaasaddu ay fool xun tahay, doqonniimada iyo maangaabnimaduna ku badan tahay, muddada uu siyaasadda ku jirayna aad u kooban tahay sidayda oo kale, aad ayaa uu ugu farxayaa marka uu ogaado in ay jirto cid uun u aragta in fikirkiisu uu u qalmo in la dhegeysto.

Waxa keliya ee aan ku andacoon karayaa waa in, aragtidaydu ay waafaqsan tahay waxa uu qoraagii Maraykan ee Scott Fitzgerald ugu yeedhay, “Awoodda guul darrada”

Intaa oo uu gogolxaadh ka dhigtay kaddib, qoraagu waxa uu bilaabay taladiisa, “Ugu horreynba, waa in aad ogaataa sababta aad u doonayso in aad siyaasi noqoto. Waxa aad la yaabi doontaa marka aad ogaato in dadka siyaasadda ku biiraya badankoodu aanay jawaab daacad ah kaa siin karin, sababta dhabta ah, ee ku riixday in ay siyaasiyiin noqdaan.

Sababaha quruxda badan, ee qof kasta oo siyaasadda galaa uu ku afgobaadsado in ay ku kallifeen siyaasaddu waa:

In uu rabo inuu sumcad fiican yeesho, magacna helo iyo in uu siyaasadda ka dhigto fursad uu wax kaga qaban karo arrimaha muhiimka ah ee dadkiisa noloshooda wanaajinaya.

Adigu waa in aad noqotaa ruux himilo fog leh, haddii ay doonto, himiladaasi ha noqoto mid mararka qaarkood lagu qoslo (Lala yaabo), waa se in aanay noqon uun taas caadada noqotay ee aan soo xusay. Waa in aad noqotaa ruux ku qanacsan in uu doonayo wax ka duwan sheekada xarragada ah ee la isku weydaarsado miisaska casuumadaha la isugu yimaaddo. Waa in aad yeelataa han iyo dareen ah in ay jirto hawl u baahan in wax laga qabto, adiguna aad tahay qofkii ku habboonaa in uu waxaas qabto.

Siyaasadda hibo iyo hanba waan u lahaa, laakiin waxa iga maqani waxa uu ahaa, in aannan u bislayn loollanka iyo dagaalka siyaasiga ah;

Weerarrada iyo dhalleecaynta siyaasiga ahaa ee la igu soo qaadayey, waxa aan u qaatay in ay yihiin kuwo aniga toos iigu socda, oo shakhsiyaddayda loola jeedo. Laakiin taasi qalad weyn ayaa ay ahayd, waayo, marnaba weerar shakhsi ah ma’ay ahayn. Keliya dabeecadda shaqadan (Siyaasadda) ayaa sidaas ah. weligeedna sidaas ayaa ay soo ahayd.

Waxaa laga yaabaa in dagaalka siyaasadda ee aad gelayso, aad isugu diyaarisay sida in aad tahay qof shaqaale ah, oo dhacdooyinka soo maraya dhinac ka daawanaya balse aan ku dhex jirin. Waa sidii aan aniguba moodi jiray markii aan da’da labaatanaadka ku jiray. Laakiin i rumayso oo, marka aad giraanta dhexdeeda (Siyaasadda) istaagto, waxa aad markaba la kulmaysaa amakaag iyo wax aanad filayn. Isla marka aad madaxa geliso (Siyaasadda) waxa aad garanaysaa in labada jid ee keliya ee kuu furani ay yihiin; Wax iska dhici ama dhabbada cagta saar (baxso).

Waxa aan siyaasadda galay aniga oo u malaynaya, in haddii aan la imaaddo dood iyo xujo niyadwanaag iyo daacadnimo iga ah, aan heli doono cid i dhegeysata. Waa male maangal ah, oo qof kastaa is odhan karo, laakiin waa qalad. Shan sano iyo badh aan siyaasadda ku jiray, hortood ima’ ay soo marin dad, sidan oo kale, aan mar keliya ka daalayn dhalleecaynta fikirkayga. Marka aan u fiirsado sababta dhalleecayntana, waxa aan fahmayey in halka dhibtu ka taagan tahay aanay ahayn farriinta aan gudbinayo, balse ay markasta Ceebtu tahay, cidda gudbinaysa farriintaydaas.

Dadka ku dhaliilayaa, inta ay wax ka sheegayaan hadalka aad odhanayso, waxaa ka badan, inta ay diidanyihiin xaqa aad uba leedahay in aad wax sheegto. Aniga waxa ugu badan ee ay igu dhalleecaynayeen waxa uu ahaa in aan muddo dheer dalka dibaddiisa ku noolaa, oo aanan iyaga ka mid ahayn, ee aan ahay ruux qariib ku ah dalka. Weerarrada ugu daran ee ay tahay in aad waajahdaa, ma’aha kuwa beenta cad ah ee lagaa sheegayo oo keliya, balse waxaa ka sii daran, kuwo in yar oo run ahi ku dhex jirto (Ee la buun buuninayo). In aan dalka ka maqnaa wax laga khajilo ma’aha, laakiin waxa ay igu keentay dhibta ah in aan dhisi kari waayo kalsoonida ay tahay in uu siyaasi kastaa ku abuurto codbixiyeyaasha. In kalsoonidaa aad dhisataana waxa ay u baahan tahay run. Iskama dhigi kartid wax aanad ahayn. Dadka ku dooda in ay siyaasaddu jilid tahay, waa ay qaldan yihiin, waayo marka ay siyaasadda tahay, sida jilaaga (Filimka) shakhsiyad kale oo aanayd ahayn ma metelaysid, waa run in aad masrax taagan tahay, laakiin adiga ayuun baa isjilaya ee cid kale uma taagnid.

Sida saxda ahi ma’aha in dadku ay noloshaada wax ka ogaadaan si ay kuugu codeeyaan, bale waa in ay aaminaan in aad adigu tahay qofka aad sheeganayso in aad tahay.

Bal waxa aad ii soo qortaa liiska laba wejiileyaasha iyo dadka liita ee talada iyo awoodda qabsaday, iyaga oo ah dad aan mudnayn kalsooni iyo in la aamino. (Aad bay u badan yihiin). Haddii aad qalad iga fahamtay. Tusaale aan u soo qaato Nixon (Madaxweynihii 37aad ee Maraykanka), oo ahaa ruux ay codbixiyeyaashu kalsooni buuxda u hayeen, iyaga oo haddana, si fiican u garanaya qofka runta ah ee uu yahay; Nixon waxa uu ahaa nin mad-madow badani ku jiro, dadka sida looga faa’idaysto yaqaanna, munaafaqad badan, aan kuu soo koobo ee, waxa uu ahaa nin iyaga (Codbixiyeyaasha) uun la mid ah. Saa markii ay isaga eegeen, ayaa ay sida muraayadda iskaga dhex arkeen, markaasay jeclaadeen.

Haddii aad doonayso in aad noqoto ruux xaqiiqada ku socda oo u qalma kalsoonida dadka, waa in aad naftaada adigu yeelataa (Hanataa), ugu yaraan inteeda badan aad taladeeda gacanta ku haysaa. John Kerry (Markii uu ahaa murashaxa madaweyne, ee uu la tartamayey George Bush) waxa uu dhibbane u noqday weerarkii siyaasiga ahaa ee la xidhiidhay taariikhdiisii dagaalka Vietnam. Sababta uu u jabay waxa ay ahayd, isaga oo iska caabbin kari waayey dhalleecaynii ka dhalatay maraggii foosha xumaa ee uu golaha Kongareeska hortiisa ka furay, markii uu ahaa laba xiddigle da’ yaraa oo markaas uun ka soo noqday dagaalkii Vietnam. Waxa uu kaga ka sheekeeyey waxyaabihii dhibta badnaa ee uu ku soo arkay xeradii Mekong Delta ee lagu hayey maxaabiistii dagaalka. (Kerry waxaa lagu haystay hadallo uu ka sheegay dagaalkii Vietnam, oo u muuqday in uu Maraykanka ku dhalleecaynayo gelitaankii dagaalkaas iyo sidii uu  u maamulayba). Kerry waxa uu awoodi kari waayey, in uu yidhaahdo, “Haa, waxa aan ahaa sarkaalkaas da’dad yaraa” ee la sheegayo, haddii aydaan doonayn in aad u codaysaan, nin dowladdiisa dhalleeceeyey, fasax ayaa aad iga tihiin.

Waxa aan ogahay in dadku ay wax kasta ka cafiyi karaan murashaxiinta, laakiin waa haddii ay iyaguna u dagaallamaan xaqa ay u leeyihiin in ay jiraan. (Oo ay dadka ka samaystaan cafiskaas).

Dagaalka runta ah ee siyaasaddu, waa dadaalka aad ku muujinayso, xaqa aad u leedahay in laguu dhegeysto sida aad tahay (adiga oo aan iska dhigayn qof kale). Markii kooxdii Swift-boat la baxday ay dagaalka siyaasiga ah ku qaadeen John Kerry, waxa uu ku guuldarraystay in uu ka jawaabo. Waa uu hadli karayey, laakiin waxa aan jirin cid diyaar u ahayd dhegeysigiisa, isna waa uu u sii adkaysan kari waayey.

Markii aniga kuwa iga soo horjeedaa ay lahaayeen ninkani dalka waa ku qariib (Muddo dheer ayuu dibadaha ku noolaa) aniguna markaasaan adkaysi la iman kari waayey (Sida John Kery ayaan u jabay). Waa aan hadli karayey,”

Intaas kadib Michael Grant Ignatieff waxa uu hoos ugu soo dhaadhacayaa talada ay la tahay in uu qaato ninkan dhalinyarada ah ee waayoaragnimada siyaasadda ku tuhmayey, waxa aanu qoraalkiisan uu ugu magac daray “Jeclaan lahaayee qof taladan oo kale i siiya intii aanan siyaasiga noqon” ku  yidhi;

“Haddaba taladaydu waa: Weligaa ka taxaddar in mucaaradkaagu ay sheekadaada iyagu ka sheekeeyaan. Haddii aanad intaas si run ah u awoodi karayn. ka joog siyaasadda oo shaqo kale iska raadso. Haddii aanad difaaci karayn noloshaada shakhsiga ah, marka ay dadku soo weeraraan, waxaa jira nololo kale oo badan oo aad dooran karto ee mid aan u baahnayn is-qaawintaas mutuxan raadso.

Waxba tarimayso in aad iska yeel-yeesho (Iska dhigto) in aad ka fiican tahay dadka iyo shaqada aad ku jirto. Suurtogal ma’aha in aad siyaasadda guul ka gaadho, haddii aad mar kasta u muuqato in aad quudhsanayso xeerarka iyo habdhaqanka caamada.

Ceebaynta iyo nacaybka nolosha siyaasadda ee dhibta iyo qallafsanaanta badani waxa ay ku fiican tahay uun marka laga dhex sheegayo qolalka aqoon-is-weydaarsiga la isugu yimaaddo, laakiin masiibo ayaa ay ku tahay ol’oleyaasha siyaasadda. (Iska jir adiga oo siyaasad u ol’olaynaya haddana in aad dadka u caydo siyaasadda iyo nolosheeda).

Nacaybka iyo in aanay siyaasaddu u yeelan waxaa caan ku ah dadka guulo ka gaadhay meelo kale oo siyaasadda ka baxsan, sida cilmiga, saxaafadda ama ganacsiga, iyo dadka siyaasadda galay iyaga oo ku socday male ah in magaca iyo heybadda ay ku kasbadeen guul ay ka gaadheen xirfad iyo shaqo kale oo ay soo qabteen, ay si toos ah ugula soo guuri doonaan siyaasadda. Laakiin lama soo guurto (Haddii hawlaha kale ee aad qabato iyo xirfaddaada aad guulo ka gaadhay magacna ku heshay, ha u qaadan in magacii aad hawshaa hore ku heshay aad ula soo guuri karto siyaasadda). Dadka ay la tahay in ay xaq u leeyihiin, una qalmaan in ay mansab iyo awood helaan, maadaama oo ay iska aaminsan yihiin in ay garaad badan yihiin, (Fariidnimo), maalqabeen ama caanna yihiin, dadkaasi waxa ay inta badan u dhowyihiin in ay guuldarraystaan. Waxa ay illowsan yihiin in qofku uu gaadhi karo mansab iyo awood aanu u qalmin ama xaq u lahayn. Taasi waaba waxa ugu fiican ee ay dimuqraadiyaddu leedahay, waana sababta keliya ee keentay illaa hadda in aanay si buuxda taladeenna iyo maamulkeenna gacanta ugu wada dhigin maalqabeenka tirada yari.

Waxa laga yaabaa in siyaasadda aan galay, aniga oo aan aqoonsanayn awoodda iyo sarraynta ciyaartan (Siyaasadda) iyo dadka ciyaarayaba, laakiin waxa aan siyaasadda ka tegey aniga oo siyaasiyiinta u haya tixgelin ka badan tii aan u hayey markii aan siyaasadda ku soo biirayey. Kuwo horumuud ku ah xirfaddan (Siyaasadda) iyo khaayimiinba waa aad ka dhex helaysaa siyaasiyiinta. Kuwooda ugu fiican waxa ay faan u yihiin dimuqraadiyadda. Waa kuwa yaqaanna farqiga u dhexeeya qofka mucaaradka ku ah ama loollanku ka dhexeeyo iyo qofka cadowgooda ah, kuwa kala yaqaanna marka ay tahay in ay qaataan oo ku qancaan xabbadda roodhida ah badhkeed iyo marka ay tahay in ay ku adkaystaan in ay moofada (Warshadda furinka) oo dhanba wada qaataan, kuwa yaqaanna marka ay tahay in ay aaminaan oo ku dhegaan aragtidooda iyo go’aanka ay gaadhaan iyo marka ay tahay in ay dadka dhegeystaan.

Jaalkayga (Aan siyaasiyiinta ahayn) maskaxda badan ee aan hadalladooda dhegeystay waxa aan ka bartay casharro aanan ku baran golaha sharci dejinta ee dimuqraaddiga ah (Baarlamanka). Nolosha siyaasadda waxaa ka mid ah in aad dhaliisho musuq-maasuqa, laaluushka, daacad-darrada iyo laba wajiilenimada, laakiin haddana maalin kasta aad u soo shaqo tagto.

Libberaalnimadu – Siyaasad ku dhisan falsafad ah xorriyad furan iyo sinnaan aan qayd ku xidhnayn oo afka qalaad lagu yidhaahdo Liberal – waxa ay noqon doontaa aragti ku soo ururta dad tiro yar oo sii yaraanaya, haddii aanay dadka isku sheega in ay yihiin Liberaalku iimaankood isu-dulqaadashada, is cafinta iyo sinnaanta ku xidhin in ay Libaraaliyaddu fursad u noqoto cid kasta, oo ay xitaa ku jiraan kuwa iimaankoodu wasakhda yahay, kuwa afxumada badan, kuwa beenta yaqaanna, iyo guud ahaanba shaqadan siyaasadda ee beenta ah qudheedu.

Cidda uu siyaasiga dimuqraadiyad lagu soo doortay daacadnimada dhabta ah u hayo, si run ahna ugu abtirsadaa ma’aha xisbiga, xitaa ma’aha mabaadii’da lagu soo doortay, balse waa habraacan musuq-maasuqa lagu kasban karo ee siyaasadda la yidhaahdo. Sidaa awgeed waa tan taladayda ugu dambaysaa:

Siyaasaddu ma’aha jid qudhun ah oo lagu gaadho ujeedo la leeyahay uun, balse waa nolol iskeed marka ay tahay sharaf badan, illaa aad jeclaatana (Siyaasadda) aanad si fiican waxba uga qaban karin. Anigu guul kama aan gaadhin, laakiin adiga waxa aan kuu rajaynayaa in aad ka gaadhi doonto.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!