Janaral Jidhif Oo Qaramada Midoobay Ku Cambareeyay Sida Ay U Simaan Amniga Somaliland Iyo Somaliya

0
673

Picture4Hargeysa(Geeska)-Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Janaral Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) ayaa Qaramada Midoobay ku dhaliilay sida ay nabadgelyada Somaliland u barbar dhigto nabadgelyada Somaliya, marka la eego hal-beega ay ku cabiraan nabadgelyada.

Jidhif, oo shalay warbaahinta u waramay wuxuu farriin kulul u diray qaramada midoobay oo uu ugu baaqay inay kala saaraan nabagelyada Somaliland ee buuxda iyo nabadda Somaliya. Wuxuu Jananku nasiib darro ku tilmaamey in Qaramada Midobay  Somaliland barbar dhigaan Somaliya  hal-beega lagu cabiro Nabadgelyada wadamada guul daraystay. “Somaaliya oo maanta [shalay] oo u danbaysay  dagaal lagu hoobtay ka dhacay   madaxtooyada Villa Somalia dhexdeeda.  Go aankan  Qaramada Midoobay oo ah mid aan la aqbali Karin, iyadoo  Somalilandna la ogyahay kaalinta ay caalamka kaga jirto dhinaca nabada iyo horumarka. Dawladda Somalia waxaa ilaaliya xoogag shisheeye halka Somaliland ay nabadagelyadeda sugeen ciidamada amaanku. Weli lama arag madaxweynaha soomaliya oo xadhiga ka jaraya mashruuc horumarineed. Iyadoo nabadgelyadiisu halis ku jirto.” Ayuu yidhi Janaraal Jidhif.

Dhinaca kale waxa uu  jidhif ku hambalyeeyey Golaha Guurtida dhex dhexaadintii taariikhiga ahayd ee guulaysatay ee  ay ka galeen khilaafkii golaha wakiilada,

Jananku, Waxa uu horumar mug leh ku tilmaamey qorshaha dib u dhiska wadooyinka iyo xafiisyada Dawladda  iwm, . Isagoo sheegay in horumarka wadooyinku ay wadanka isku furi doonaan, dhinaca dhaqaalaha, nabadgelyo isku xidhka wadanka, wadada ceerigaabana ay albaab cusub u furi doonto gobolada bari iyo galbeed, dhaqaalahana wax weyn ka tari doonto. “Arintan waxa ay dhiiri gelin doontaa maalgeeshiga caalamiga ah ee wadanka JSL.”

Sidoo kale wuxuu si weyn uga mabsuuday xarumaha dawladda ee lagu  sameeyey dayactir qurxoon, isagoo ku tilmaamey inay kor u qaaday bilicda magaaladda “Waa muraayadii wadanka ee caalamku inaga soo galayeen. . Ugu danbayn waxaan bulashada ugu baaqayaa inay taageeraan wixii wax qabada ee dawaladu samayso islamarkaana ay ka hadlaan wixii dhaliil ee jirta.” Ayuu yidhi.