Jacaylku Sida Maandooriyaha Ayaa Uu Miyirka U Qaadaa

0
22

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in jacaylka dhabta ahi uu maskaxda qofka u beddelo si la mid ah sida uu maandooriyuhu u sakhraamiyo. Cilmibaadhistu waxa ay sheegtay in qofku marka uu la kulmo qof uu si dhab ah u jecel yahay, ay dareenwadayaasha maskaxdu bixiyaan guux/yuus la mid ah ka ay bixiyaan marka uu qofku balwada maandooriyaha ah isticmaalo, gaar ahaan maandooriyaha khatarta ah ee Kookaayiin (Cocaine) iyo kuwa la midka ah.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna xaqiijiyey in jacaylku uu hawlgeliyo unugyo gaar ah oo maskaxda ka mid ah, kuwaas oo qofka ku beera dareen ah in xaalkiisu uu fiican yahay oo uu farxad iyo badhaadhe ku jiro, dhibaatana ka dheertahay. Waxa kale oo uu jacaylku maskaxda ku abuuraa in ay soo deyso Hormoonka lagu magacaabo ‘Dopamine’ oo ah hormoonka sababa dareenka farxadeed, ee qofku isku arko marka wax raalli geliya helo, isla markaana ah hormoonka jidhka ku bata marka uu qofku isticmaalo maandooriyaha.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey oo ka tirsan jaamacadda Emory oo ku taalla magaalada Atlanta ee gobalka Georgia dalka Maraykanka ayaa aaminsan in natiijadan ay ku ogaadeen cilmibaadhistu ay dhiirrigelinayso in aynu hoos u eegno suurtogalnimada in la samayn karo hab cilmiya oo lagu raadayn karo isdhexgalka iyo xidhiidhka bulshada, waxa aana suurtogal ah in aakhirka looga faa’idaysto daweynta dadka qaba cudurka gooni socodka qofka ka dhiga ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Autism’

Dadka waaweyn kama maarmayaan

Sida lagu sheegay warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Carabiya cilmibaadhiso hore ayaa tilmaamaya in dadka da’doodu weyntahay ay sida da’yarta ugu baahan yihin jacaylka, maadaama oo cilmigu caddeeyey in jacaylku uu qofka ka ilaaliyo cudurka asaasaqa iyo xanuunnada maskaxda dila. Waxa kale oo ay iftiimiyeen in jacaylku uu koriyo xirfadda qofka ee dhinaca afafka iyo in uu xoojiyo dhugmada iyo u fiirsiga maskaxda.

Dr. Hayley Wright oo ka tirsan jaamacadda Coventry oo ku taalla England kana mid ahaa cilmibaadhayaasha daraasadda dambe sameeyey ayaa mar uu ka hadlay waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Caado ahaan dadku marka ay weynaadaan ma’ jecla in ay ka fikiraan arrimo jacayl. Waa in aynu fahamkaas qaldan ka hornimaadno bulsho ahaan, oo aynu eegno natiijada togan ee qofku in uu ka helo arrimahan laga filayo” Dr. Hayley waxa uu intaas ku sii daray, “Jacaylku guud ahaan dadka oo dhan, gaar ahaanna dadka waayweyn ee 50 jirka iyo wixii ka weyn ah waxa uu u keenaa faa’ido dhinaca caafimaadka jinsiga ah iyo in uu farxad iyo raaxo geliyo guud ahaan nolosha qofka”