Jacaylka Oo La Ogaaday In Qofka Uu Ku Keeno Misaan Dheeraad Ah

0
1513

Washington (Geeska)- “Jacaylku waxa uu kordhiyaa miisaanka” Waxaa sidaa daahfurtay cilmibaadhis dhowaan natiijadeedu soo baxday oo muddo baadhis ku samaynaysay isbedellada dhinaca miisaanka ah ee ku yimaadda dadka dareenka caashaq haleelo rag iyo dumarba. Cilmibaadhistan oo ay samaysay xarunta One Poll natiijadeedana lagu baahiyey shabakadda arrimaah caafimaadka iyo nafaqada ka faalloota ee ‘fit’ ayaa sheegtay in celcelis ahaan miisaanka la filan karo in qofka uu ku kordho jacaylka kaddib uu gaadhayo illaa 15 kiiloogiraam.

Boqolkiiba 75 dadkii daraasaddani ay tusaalaha u soo qaadatay oo tiradoodu 2 kun ahayd ayaa la ogaaday in uu miisaankoodu kordho intii ka dambaysay markii ay xidhiidh jacayl yeesheen. Marka rag iyo dumar loo kala qaadana, waxaa soo baxday in ninku marka uu xidhiidh jacayl oo dhab ah bilaabo, uu sannadka u horreeyaba u kordho miisaan qiyas ahaan 8 kiiloogaraam. Korodhkaas ayaa kor u sii socda illaa uu gaadho 15 kiiloogaraam.

Arrinta xiisaha leh ee xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey ay ogaadeen intii ay tijaabada wadeen; waa in dumarku aanay dhayal ku sheegin miisaankooda runta ah, marka la barbar dhigo ragga oo isagu aad ugu furfuran ka hadalka arrintan oo kale.

Barta Internet ka uu ku leeyahay talefishanka Fox News oo isaguna natiijada daraasaddan faafiyey ayaa warbixinteeda ku sheegtay in isbedellada ku yimaadda hawlmaalmeedka joogtada ah ee qofka, cuntada uu qofku cunayo oo ka badan ta uu cuno qofka aanu jacaylku haynin ayaa ka mid ah sababaha keena in miisaanku uu ku kordho qofku marka uu helo ama xidhiidh la bilaabo ruux uu jecel yahay.

Sababta arrintan keenaysa ayaa ay cilmibaadhistu ku sheegtay qofka oo gaadhaya waxa ay ugu yeedhay, ‘Waqtiga raaxada’. Waxa uu qofku dareemayaa in la dhaafay waqtigii is ka dhaadhicinta iyo in qofkan kale uu tuso wanaaggiisa oo keliya, taasina ay sababi jirtay in uu si aad u feejignaan badan u dhaqmo. Waxaa loo jeedaa in labada qof mid kastaa jacaylka kaddib helayo kalsooni ah in uu hantay kii kale, sidaa awgeed aanu ku qasbanayn in uu qofkan u muujiyo wanaaggiisa oo keliya, si uu kasbado. Ma jiro culayskii ka saarnaa in uu ka shaqeeyo sidii uu mataankiisa ugu muuqan lahaa sida ugu fiican. Boqolkiiba 64 dadka ka qaybqaatay sahamintii cilmibaadhistan ayaa qirtay in markii ay hanteen jacaylkooda kaddib uu miisaankoodu aad u kordhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here