Jacalka Nin Ay Calmatay Iyo Taajka Boqortooyada Ayaa La Kala Doorransiiyey, Jacaylkii Ayaana Ay Qaadatay

0
1481

Tookiyo (Geeska)- Dawladda Jabbaan ayaa Axaddii toddobaadkii hore ku dhawaaqday in Amiirad Makow oo ah ilmaha ugu weyn carruurta uu awoowga u yahay Imbaraadoorka dalka Jabbaan Akiheyto, ay si rasmi ah uga tanaasushay mansabkeedii amiirnimo iyo dhaxalsugenimadii sharciga ahayd ee dalkaas, maadaama oo ay guursatay nin aan qoys boqortooyo ama magac weyn leh ka soo jeedin.

Warkan ka soo baxay wakaaladda daryeelka Qasriga Imabaraadoorka dalka Jabbaan oo ku soo beegmay xilli ay soo badanayso cabsida laga qabo in uu dabargo’o qoyska Imbaraadooriyadda dalkaas leh oo ah dad aad u tiro yar ayaa lagu yidhi, “Amiirad Makow, dadka caadiga ah ayaa ay ka mid noqon doontaa guurkeedan kadib” Inyar kadibna idaacadda iyo talefishanka dalka Jabbaan ayaa sheegay warka guurka Amiiradda.

Bishii Shanaad ee sannadkan ayaa ay soo baxeen wararka sheegaya in Amiirad Makow sano jirtay ay xidhiidh jacayl la leedahay Kee Komoro oo ka shaqeeya xafiis sharciyaqaan (Qareen) oo ka furan magaalada Tookiyo ee caasimadda dalkaas. Laakiin wakaaladda daryeelka qasrigu xilligaas waa ay ka gaabsatay in ay arrintaas ka hadasho.

Wiilka ay Amiiradda is calfadeen waxa uu ka qalinjebiyey jaamacadda Kiristaanka ee Caalamiga ah, halka iyaduna ay shahaadada heerka labaad ee jaamacadda ka dhammaysatay jaamacadda Leicester ee dalka Ingiriiska, waxa aanay hadda cilmibaadhe ka tahay matxaf dalka Jabbaan ku yaalla.

Amiiraddan hore waxa ay ka mid tahay afar qof oo uu awoow u ahaa Imbaraadoorkii dhowaan shaaciyey in uu xilka iskii uga degeyo ee dalka Jabbaan, gabadh kale iyo wiil iyada ayaa ay walaalo yihiin, waxaa afaraysa gabadh uu dhalay amiirka dhaxalsugaha dalka ah ee Narohiito oo isaga isaga iyo saddex ruux oo kale oo keli ahi yihiin dhaxalsugayaasha boqortooyadan.

Laakiin sharciga imbaraadooriyaddani boqollaalka sano ku soo dhaqmaysay oo muddooyinkan dambe muran dhaliya ayaa dhigaya in cidda boqortooyada qaban kartaa ay tahay oo keliya qoyska inta ragga ah iyo in gabadha qoyska ka mid ah ee guursata nin aan reer boqor ahayn ay waayi doonto xil sharafeedkeeda amiirnimo.