Jabbaan, Dab Dilay 100 Kun Oo Ruux, Ayaa Eeddiisa La Saaray Maro La Sheegay In Ay Nacdalantay

35
3097

Tokyo (Geeska)- Sannadkii 1657 kii, dalka Jabbaan waxaa ka dhacay dab lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee taariikhda inta la og yahay meel keliya mar aafeeya. Magaalada Caasimadda u ah dalkaas ee Tokyo oo waqtigaas lagu magacaabi jiray Edo, waxaa ka kacay dab aad u baaxad weyn oo burburiyey magaalada badankeeda. Dabkan oo loo bixiyey, ‘Dabkii weynaa ee Meireki’ khasaaraha ka dhashay ee hantida iyo naftaba ahna waxaa lagu qiyaasay in uu la mid yahay khasaarihii ka dhashay weerarkii qumbule durriyaha ee lagu dhuftay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki.

Sheeko baraleyda Jabbaan iyo maradii nacdalnayd

Waqtigaas ay gubatay magaalada Tokyo oo taariikh aad u fogi ka soo wareegtay awgeed, lama hayo xaqiiqo rasmi ah oo sheegaysa sababta dabkaas kicisay. Waxa se jirta sheekobaraley dadka reer Jabbaan aad uga sheekeeyaan oo sheegaysa in sababta dabkani ay ahayd gobal yar oo maro nacdalan ah. Sida ay dadka reer Jabbaan taariikhdooda ku qoreen, waqtigaas waxaa dalka Jabbaan taallay maro yar oo lagu magacaabay ‘Kemono’ maradaas oo ay sheekabaraleyda dadka reer Jabbaan aaminsanaayeen in ay nacdalantahay, maadaama oo dad tiro badan oo xidhay ay geeriyoodeen. Mid ka mid ah wadaadadii diinta Buudhiisamka ee dalka Jabbaan ayaa gubay maradaa yare e loo arkayey in ay nacdalantahay. Laakiin isla markii uu marada gubay waxaa soo kacay dabayo iyo dufaan aad u xoog badan oo sababtay in dabkii marada yar ka baxayey uu si dhaqso ah meelo badan ugu faafo, ugu dambayntiina isu beddelo duufaan dab ah oo liqay inta badan ee caasimadda dalka Jabbaan.

Waxaa la aaminsan yahay in sababaha aad u fududeeyey in dabkani uu faafo ay ahayd guryaha magaalada ee waqtigaas oo badankoodu ka samaysnaa qoryo iyo caleenta dhirta. Abaar muddo dheer jirtay ayaa iyaduna sababtay in dhirta magaaladu aad u ingagto, sidaa awgeedna dhaqso u gubato. Qaabka magaaladu taallay jidadku ay cidhiidhi ahaayeen ayaa ka mid ahayd sababaha kale ee loo aanaynayo in ay keentay in dabku uu aad u faafo.

Dabkan oo dhowr maalmood socday, magaalada Tokyo inteeda bandanna gaadhay, ayaa markii ugu dambayntii la dembiyey, dhowr maalmood oo ka dambeeyey waxa ay qaadatay soo faqista iyo maydka iyo kala gurista burburka.

Ugu dambayntii markii la tirakoobay khasaaraha dabkan ka dhashay, waxaa la ogaaday in boqolkiiba 70 dhismeyaashii magaalada caasimadda ah ee Tokyo ay burbureen, isla markaana ay ku nafwaayeen dad tiradoodu ka badan tahay 100 kun oo badankoodu u dhinteen neef qabatow.

Khasaaraha oo aad u weynaa iyo burburka dhacay oo baaxad lahaa wgeed ayaa wadaaddadii joogay magaaladu ay soo jeediyeen in dadka maydka ah ee la helo, aan gaar loo kala qaadqaadin ee god keliya oo weyn xabaal wadareed looga dhigo.

Illaa maantana sheekabaraleyda dadka reer Jabbaan waxa ay aaminsantahay in dabkan sababtiisu ay tahay arrin diineed oo la xidhiidha toobkii uu wadaadku doonayey in uu gubo. Toobkaas ayaa ay marka horeba ku hayey meel gaar ah, iyaga oo aaminsanaa in dad badan oo xidhay ay isla markii ay xidheenba ay dhinteen. Sidaa awgeed taariikhda dalka Jabbaan waxa ay maradaas u aqoonsatay maradii nacdalnayd, dabka magaalada burburiyeyna waxa ay u yaqaannaan dabkii ka dhashay maradii nacdalnayd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here