Jaangoynta Waqtiga Ee Abuurka Ah: Sida Boqorrada U Quraaco, Sida Amiirrada U Qadee, Sida Faqiirkana U Cashee

27
3152

London (Geeska)- Maskaxda bani’aadamku waxa ay leedahay awood waqtiyeyn ah oo u fududaysa in ay isku sidkato saacad iyo daqiiqad kasta iyo hawsha u taalla. Habkaas waqtiga ay u fahmayso ayaa afka sayniska lagu yidhaahdaa saacadda Bayoolojiga ah. Waa arrin caadi ah in ay hurdo innaqabato marka la gaadho waqtigii ay hurdada u baratay, sida oo kalana baraarugto waqtiga ay caadaysato in ay hurdada ka kacdo, sida oo kale in aynu gaajoonno marka la gaadho waqtigii ay cunto cunista barannay. Arrintan sababteedu saacadda bayoolojiga ah oo jidhka u qaabilsan isku ilaalinta waqtiga iyo shaqada jidhka.

Haddaba waxa ay khubarada caafimaadku si joogto ah uga digaan khataro caafimaaddarro oo ka dhalanaya khalkhal ku yimaadda saacaddaas bayoolojiga ah. Marka ay sidaas tahay waxaa muhiim ah in aynu is weydiinno in wax ka beddelka waqtiga aynu cuntada cunnaa ay saamayn ku yeelan karto caafimaadkeenna ama ay caawin karto miisaan dhimista?

Gerda Bot oo ah haweenay ku xeeldheer cilmiga nafaqada oo ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee Kings College London ayaa mar ay ka hadlaysay hababka ugu fiican ee ay tahay in ay cunto qaadashadu noqoto waxa ay tidhi, “Waxaa jira halkudheg hore oo yidhaahda, u quraaco sida boqorrada, u qadee sida amiirrada, laakiin u cashee sida faqiirka” waxa aanay sheegtay in ay aaminsan tahay in halkudheggaasi uu yahay mid wax badani ka run yihiin.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee BBC qaybteeda afcarabiga ayaa aynu ku eegaynaa natiijada dadaallo ay saynisyahannadu ku raadiyeen xidhiidhka ka dhexeyn kara cunto cunista iyo saaadda jidhkeenna.

Gerda oo faahfaahinaysa sida uu xidhiidh uga dhexeeyo saacadda bayoolojiga ah iyo cunto cunista ayaa tidhi, “Jidhku waxa uu leeyahay saacad bayooloji ah, taas oo shaqada uu cuntada ka qabsanayo iyo ka faa’iidaysigeeduna ku xidhan yahay. Tusaale ahaan haddii aad fiidka ku cashayso cunto aad u culus, waxa ay u dhowdahay in ay dhibaato keento, maadaama oo uu jidhku isu diyaariyey hurdo” Saynisyahanno kale oo ku xeeldheer cilmiga bayoolojiga iyo shaqada xubnaha jidhka ayaa iyaguna sheegay in jidhka bani’aadamku aanu habeenkii awood badan u lahayn dheefshiidka iyo ka faa’iidaysiga ama dheefsiga cuntada.

Waxa ay khubaradu sheegeen in uu xidhiidh ka dhexeeyo saacadaha aynu wax cunayno iyo xaaladdeenna caafimaad, oo sida oo kalana saamayn weyn taban ama togan ku yeelata ka hortagga cudurka buurnida. Jonathan Johnston, oo ah cilmibaadhe ku xeeldheer cilmiga bayoolojiga oo ka tirsan jaamacadda University of Surrey ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in aynu fahanno in uu xidhiidh ka dhexeeyo waxtarka ama dhibaatada ka imanaya cuntada aynu cunayno iyo waqtiga aynu cunayno. Laakiin waxa uu hoosta ka xariiqay in xitaa inta ay cuntada aynu cunaynaa le’eg tahay ay ka muhiimsantahay saacadda aynu cunaynaa.

Mar kasta marka subaxda aad joogto ay arrin la fahmi karo tahay in tamar badan aad sii isticmaali doonto hawlaha maalinnimo iyo shaqada awgeed, sidaa awgeed cuntada culus ee aad duhurka cuntaa waxa ay u dhowdahay in ay burbruto, halka sida caadiga ah habeenkii tamarta aad isticmaalaysaa ay yar tahay, sidaa awgeed cuntada culusi ay jidhka ku baaqanayso, sababna u noqonayso in uu miisaanku kordho.

Dadka shaqaalaha ah ee kaltanka ku shaqeeya, tusaale ahaan gelinka hore, gelinka dambe iyo habeenkii hadba dhan u guura, ayaa la aaminsan yihiin in ay yihiin kuwa ugu badan ee ay gaadho dhibaatada ah in waqtiga bayoolojiga ahi ka khalkhalo, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in dadkani ay aad uga taxaddaraan saacadaha ay cuntada cunayaan, iyo in ay is waafajiyaan cuntooyinka culayskooda iyo waqtiga ay cunayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here