Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Beder Oo Tababar U Qabatay Macalimiinta Dugsiyada Hargeysa

0
677

Hargeysa (Geeska)- Jaamadda Beder International University ayaPicture1a qaar ka mid ah macalimiinta Dugiyada Hargeysa u qabatay tababar ku saabsan dar-dar gelinta iyo kor uqaadida aqoonta macalinimada.

Tababarkan oo ka qabsoomay xarunta Jaamadda Beder ayaa waxaa furitaankiisi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacada Beder Mubaarig Ibraahim Aar, waxaana uu macalimiintii ka soo qayb kula dar-daarmay inay aqoonta ay ka bartaan tababarkan ay ku dabaqaan aqoontoodii hore ee macalinimo, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Jaamacada Beder waa Jaamacadd heer Caalami ah, waxaana ay garatay oo ay u taagan tahay markasta sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahayd in kor loo qaado aqoonta Bulshada reer Somaliland, waxaana tababarkan aynu maanta iskugu nimid ka markhaati kacaya ujeedada dhabta ah ee Jamacadda Beder International University ay u taagan tahay, tababarkanina waxa ay ujeedadiisu tahay sidii aqoonta iyo khibrada macalimiinta loo dar-dar gelin lahaa korna loogu qaadi lahaa habka wax gudbineed ee ardayda, haday noqon lahayd sharaxaada iyo fahamka, waxaana rajaynaya Insha Allah inaynu wax baddan ka faa’idi doono maadaama macalin khabiir ah oo in ka baddan muddo 20-sannadood macalin soo ahaa uu tababarkan bixinayo, oo ah Mulkiilaha iyo Guddoomiyaha Dugsiyada Noradin Schools Macalin Mahad oo aad wada garanaysaan, waxaanan idinkula dardaarmaya oo aan rajaynayaa inaad ka faa’ideysataan, waxaanan idiin rajaynaynaa guul iyo mustaqbal wanaagsan” ayuu ku soo koobay hadalkiisi Guddoomiyaha Jaamacada Beder  Mubaarig Ibraahim Aar.

Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Beder Sheekh Aabi, waxaana uu ku dheeraaday ujeedada iyo faa’iidada uu tababarkani u leeyahay macalimiintan loo qabtay, isagoo xusay sidoo kale in Jaamacadda Beder International University ay ka go’an tahay sidii ay Bulshadeeda ay wax ugu faa’ideyn lahayd.

Dhanka kale waxaa halkaasi ka hadlay Xubin ka mid ah macalimiinta tababarka loo qabtay, waxaana uu uga mahadnaqay Jaamacadda Beder tababarkan isagoo xusay inay ka faa’ideysan doonaan aqoonta iyo khibrada ay ka bartaan, kula noqon doonaan Dugsiyada ay ka yimaadeen.

Ugu dambayntii waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Mahad Ibraahim Maxamed oo ah Mulkiilaha Dugsiyada Noradin Schools oo isagu tababarkaas siinayay macalimiintaas, waxaana uu ugu horayn uga mahadnaqay Maamulka Jaamacadda Beder tababarkan ay u qabteen macalimiinta Dugsiyada Hargeysa isagoo hoosta ka xariiqay inuu si weyn u soo dhawaynayo talaabadan wax ku oolka ah ee ay qaadatay Jaamacadda Beder International University, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaa ii sharaf ah in maanta Jaamacadda Beder International University igu soo marti-qaaday inaan tababarkan bixiyo, anigoo rajaynayaa Insha Allaahu intii aqoontayda iyo khibradayda wax dhigid iyo macalinimo aan ugu gudbiyo macalimiintan ka socota Dugsiyada kala duwan ee Caasimada Hargeisa ka dhisan, waxaanan leeyahay Jaamacadda Beder Ilaahay xasanaad ha idinka siiyo hawshan aad qabateen oo runtii ah hawl weyn, waxaanan rajaynayaa in ay iyaguna ay ka faa’ideysan doonaan macalimiinta tababarkan loo qabtay”.

Jamacadda Beder International ayaa soo bandhigtay Kuuliyaddaha ay bixiso oo wakhti xaadirkan ah kuwo furan oo ay qaadanayaan Arday cusub, waxaana kuuliyadahaasi kala yihiin:

· Postgraduate Diploma in Islamic Banking and Finance – 1 Year

· Postgraduate Diploma   in  Management and Leadership-  1Year

· Bachelor Degree in Business Administration- (Marketing/HRM) – 3 Years

· Bachelor Degree in Islamic Economics and Banking -3 Years

· Professional Diploma in Islamic Banking System- 4 Months

· Advanced Diploma in English Language- 6 Months