Jaamacada Hargeysa Oo Soo Bandhigay Lacagta Ay Semesterkii Ardayda Ka Qaado

0
886

Picture3Hargeysa(Geeska)-Maamulka jaamacada Hargeysa ayaa soo bandhigay in Semesterkan ardayda jaamacada aan wax lacag ah lagu kordhin, waxaanay daboolka ka qaadeen dhaqaalaha ay ka qaadaan kuliyadaha kala duwan Semesterkii.

Sida oo kale waxa ay maamulka jaamacadu sheegeen in haddii aan dhaqaale ku filan loo helin jaamacada Hargeysa ay maasha ka baxayso tayadeeda waxbarasho, waxaanay ugu baaqeen waalidiinta iyo ardaydaba inay ka qaybqaataan sidii loo hagaajin lahaa tayada jaamacada, iyaga oo xusay in hadii lacagta Semesterkii ardayda laga qaado loo qaybiyo bishii ay jaamacadu ardayda ka qaado wax ka yar inta dugsiyada hoose dhexe ee gaarka loo leeyahay ay ardayga ka qaadaan.

Warsaxaafadeed dhamaystiran oo jaamacada Hargeysa ay soo saartay oo uu ku saxeexnaa Guddomiye ku-xigeenka Akademiga iyo Ardayda Prof. Cadbisalam Yaasiin Maxamed oo dhamays tiran waxa uu u dhignaa

Warsaxaafadeed

Maamulka Jaamacada Hargeysa waxa uu la socodsiinaya dhammaan ardayda Labbaad, waalidkoodaba iyo bulshadaba:In lacagtii la kordhiyey bilawgii Semesterkan aan wax isbedel ahi ku iman ayna tahay sidan hoos ku qoran.

 

{rah  (? cidla laga soo helay ama tukaan laga soo iibsaday hooyo ayaa u dhibaatooday, shalayna waxaanu xasuusay dhalinyaradii UFO, UFO-na waxay  ahayd dhalinyaro dugsiyadii ka soo rawaxay oo mudaharaaday ayaa beerka xabad lagala dhacay taasna waad na xasuusiseen, jidhkii ayaa diiday inaanu dhagaysano oo aanu maqalno caruurta masaakiinta ah qayladooda, hablihii sida asluubta leh loo saari lahaa baabuurka oo si arxan daro ah loola dhaqmayo.Anagu  khaatiyaan ayaanu taaganahay mana ogolin in caruurtayada maalin kasta maydkooda ama dhaawacooda meel laga qaado, falkii shalay ee Berbera ayeynu ogayn, falkii caruurtii Xaqsoor meel walba lagu balan baliyey ayeynu ogayn, waxaynu arkay tii cusbitaalka dabadiisa ka dhacday, ma waxaynu ku jiraynaa shantaas sanadood ee uu Kulmiye dalka Haysto inaynu geeri uun u taagnaano,ma tacsi ayeynu u taagnaan, caruurtana ma xabad uun baa laga ilaalin, waxaan leeyahay xukuumadda waxan dib ha looga noqdo, dadweynahana waxaan leeyahay askarta haw cadhoonina waayo amar ayey qabaan, askariguna danbi ma laha danbigana waxa iska leh cidii amarka soo siisay oo ah madaxweynaha, wasiirada iyo inta la hal maala.”

 

Sidoo kale xoghayaha  xidhiidhika gobolada iyo degmooyinka ee xisbiga Ucid Cabdiqani Ibraahin Yuusuf (Kabtanka) oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa isaguna dhankiisa yidhi “Waxaanu halkan canbaaraynaynaa ku dhacay ardayda jaamacada Hargeysa ee ardayda lagu sigay laguna khatar galiyey, ilaahay ayaana mahad leh haddii aanay arday halkaas ku dhiman, waayo rasaas ayaa la’la dhacay waxaan  loo adeegsaday ciidan tababaran, waxaanad moodaa in dawlada wakhtigan dalka ka talisaa inaanay naxariisba u ahayn ardayda iyo dadka shacabka toona, waxa kale oo aanu canbaaraynaynaa xadhiga ardayda loo gaystay, waxaanan leenahay waa in xoriyadooda loo soo celiyaa.” Xoghayaha warfaafinta Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa isaguna dhankiisa eedaymo musuqmaasuq u jeediyay wasiirka macdanta iyo tamarta.