Jaamacada Beder Oo Munaasibad Qalin Jebin Ah U Qabatay 71 Arday Oo

0
866

Hargeysa(Geeska)-Jaamacadda Beder oo ka mid ah Jaamacaddaha dalka ayaa waxa ka qalan jabiyey 71-arday, oo bartay kuuliyadaha kala duwan ee ay Jaamacaddisi dhigto.

IMG_7961(1).JPG

Jaamacadda Beder oo shalay Munaasibadan qalan jabin u qabatay 71-arday ee qalan jabiyey ayaa waxa munaasibadan ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye,Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani,Xoghayaha Xisbiga UCID,Wasiiro,Salaadiin,Siyaasiyiin, Guddoomiyaha Jaamacadda Berber, Guddoomiye ku xigeenka, Macalimiin, Walidiin iyo marti sharaf aad u badan.

Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Beder Sheekh Aabi Cali Maxamed oo isagu halkaas ka hadlay ayaa ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo mareen ardaydan qalin jabinaysa waxaana uu yidhi “Barnaamijkan waxa ka qalin Jabinaya Bangiyadda islamka iyo Hogaaminta iyo Maamulka,ardaydan qalin jabinaysa waxa ay tiradoodu dhan tahay 71 arday,waana kuwa   xafladooda aynu halkan u fadhino,ardayda waxaan leeyahay waxbarashadu ma dhamaato sii wada halkaas ha kaga hadhina,una sii gudba maraaxilka kala duwan ee waxbarashada Aqoonta aad barateen ku hawl gala,Horena u sii socda.

Waxa la idinka rabaa yididiilo fog iyo han-qoto dheer oo aad dalkaaga iyo diinta la doonayo inaad wax ugu tarto,waxa laydinka doonayaa fir-fircooni aan kala go’lahayn,waxa laydinka doonayaad inaad leedihiin hiigsi idiin xadidan oo laydinka doonayo inaad gadhaan,waxa laydinka doonayaa deeqaha ilaahay idinku galayd inaydaan hagran ee aad muujisaan,waxa laydinka doonayaad inaad la dagaalantaan daalka iyo wahsiga”.

Guddoomiyaha Jaamacadda Beder Mubaarig Ibraahin Aar oo isna munaasibiadaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay Jaamacaddu adeegyada ay bixiso waxaanu  yidhi. “Jaamacaddu waxa ay bixisaa saddex Barnaamij qodobka 1aad waa shareeca,qodobka 2aadna waa Business (Ganacsiga) and Managements (Maamulka0 qodobka saddexaad waa waa dhaqaalaha islaamka iyo adeegyo kale, halkan waxa aynu u fadhinaa Ardaydii ka qalin jabisay Postgradute Diploma in Islamic bankin and finance,ardaydi waxa ay jaamacaddaha dalka ka soo qaateen Ander gangways bederna waxa ay u yimadeen in ay kasii kordhiyaan.

Jaamacadda Beder hortu marka ay bilaabayso adeeg waxa ay ka duushaa Tiirarka Horumarka waana saddextiir oo kala ah ka koobaad waa qofka bil aadanka ah 2aad waa lacagta 3aadna waa maamulka hadii aad saddexdaas isla hesho waad guulaysan doontaa lakiin hadii maamulku kaa maqan yahay oo aad lacagtii iyo bil aadankiiba hayso meel gaadhi maysid,Jaamacada beder waxa ay dhigtaa Shareecada si ay qofka diinta ugu dhisto,waxaana kale oo ay ka shaqaysaa in qofkii maamulkii laga dhiso,waxaana kale oo ay runtii dhigtaa sidii ay dadkani lacagta u samayn lahaayeen.

Guddoomiyaha jaamacadda Beder oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Jamaacaddu marka ay adeeg bilaabayso qorshaheedu waxa weeyaan waxa ay ka duushaa saddex meelood dadka u baahan in ay bartaa adeegan,waxaana ay ka duushaa in ay jiraan dad adeegan xiisaynaya oo u baahan in ay bartaan iyo baaxada jaamacadda,markaas adeegyada aanu bixino waxaanu u eegnaa waxtar maleeyahay,anagu jaamacadda umaanu furin lacag ku uruursada balse waxaanu u furnay inaanu aqoon yahay soo saarno”

Masuuliyiintii ka socday Xisbiyada UCID iyo Waddani ee iyana Munaasibadaas joogay ayaa iyana dhankooda amaan balaadhan, gubaabo iyo mahadnaq u soo jeediyey Ardaydii ka qalan jabisay Jaamacadda Beder.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay Ardaydan qalan jabisay waxaanu yidhi “Waxaan hambalyaynayaa ardayda qalin jabinaysa waalidiintoodii ku soo tabcay,waayo ardaydan manta qalin jabinaysa waxaan leeyahay aqoonta aad hesheen maaha mid aad idinku hesheen ee waa mid qaranku helay,dalna hore uma maro hadaan dalkiisu aqoon lahayd taasna waa la hubaa,markasta oo aqoonta bil aadanka ku jirtaa ay sii korodho dalkuna guul ayuu gadhaa caalamkana waa uu dhafaa,ardayda waxaan leeyahay waxaad eegtan maalintii aad aqoonta bilawdeen iyo maanta oo aad heer taagan tihiin,waxa muuqata inaad tihiin dad halgan dheer soo galay.

Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Iyo Wasiirka Wasaarada xidhiidhka golayashaa Ayaa iyaguna dhankooda ku amaanay jaamacadda beder ardaydan qalan jabisay  waxaana ay ku guubaabiyeen in ay halkaas kasii wado ubax ay dalkooda hooyo wax u barayso iyaga oo waalidkii,macalinka iyo ardaygaba u hambalyeeyay wakhtigii adkaa ee ay u soo dhabar adaygeen

Gab-gabadii wasiirka Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland ayaa soo gaba-gabeeyay xafladan loo qabtay 71 arday ee ka qalin jabiyay hogaaminta iyo baananka islaamiga ah waxaana u rajeeyay cilmigaas faa’idada badan dalka ugu fadhiya ee ay soo barteen inuu ILLAAHAY ku anfaco dalkooda iyo diintoodana wax ugu qabtaan,waxaana uu guddoon siiyay shahaadooyinkii.