Jaamacada Abaarso Tech oo Xaflada soo dhawayn ah u samaysay 26 Arday oo Deeq Waxbarasho Helay

0
588

Picture3Hargeysa(Geeska)-Jaamacada Abaarso Tech ayaa Munaasibad soo dhawayn u qabatay 26 Hablood oo muddo Sanad ah Deeq Waxbarasho oo Bilaash ka dhigan doona, Deeqdan waxa Maalgalisay hay’ada UNFPA iyada oo soo marisay Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, 2O-ka mid ah Hablaahaasi waxa dhaqaalaha ka bixin doona Hay’ada UNFPA, Halka 6 Habloodna ay Jaamacadu deeq bilaash ah siisay.

Munaasibadan ardaydan lagu soo dhawaynayey oo ka qabsoontay Hotel Guleed ee magaalada Hargeysa,waxa ka soo qayb galay wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha  Cali siciid Raygal,  la taliyaha madaxweynaha ee arimaha haweenka Amal Xaaji Axmed Miisan, Guddomiyaha Jaamacada Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise, Mawliid Maxamed Cumar oo ka socday Hay’ada UNFPA, Guddomiyaha Ururka Kalkaaliyaasha caafimaadka Foosiya,  ardayda heshay waxbarashadaas bilaashka ah iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal kaas oo ka waramay ujeedada laga leeyahay in hay’adda UNFPA iyo jaamacada Abaarso Tech ay si wada jira u bixiyaan waxbarashadan bilaashka ah “Halkan waxa fadhiya 20  gabdhood  ee ay  waxbarashada  ugu deeqday hay’adda UNFPA iyo 6-da ay ku soo kordhisay jaamacada Abaarso waxaan uga mahad celinayaa hay’adda iyo jaamacada sida ay waxbarashada ugu dedaalayaan,  hawsha ay maanta halkan ka furayno ee ay maal galinayso hay’adda UNFPA ee loogu tala galay inay fuliso jaamacada Abaarso Tech si dhalinyaradan wax loo baro ,ujeedada laga leeyahayna waxa weeyaan  inuu qofku isagu wax qabsan karo, haddii dadka wax la baro oo tababaro la siiyo  cilmi badana la baro, waxa laga doonayaa in wixii la baray uu ku shaqeeyo oo uu wax ku soo saaro..”

Sidoo kale Mawliid Maxamed Cumar  oo ka socday hay’adda UNFPA oo isaguna ka hadlay  munaasibadan ayaa ka waramay wax qabadyada hay’addaas, waxaanu tilmaamay waxyaabaha ay u taagan tahay hay’addani inay ka shaqayso waxaanu yidhi “Hay’adda UNFPA waa hay’add ka tirsan qaramada midoobay waxaanay u taagan tahay inay kobciso oo ay horumariso caafimaadka hooyada,dhalinyarada iyo dhalaanka, waxa kale oo ay u taagan tahay in la xoojiyo oo laga faa’iidaysto tamarta iyo awooda dhalinyarada si fiicana looga faa’iidaysto waana sababta uu mashruucani ku yimid, tirada dhalinyarada marka laga tago wixii sodon jir ka yar waxay ka badan tahay 65%, marka la eego tirade dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 14-29 waxa lagu qiyaasaa 42% waxaana la rajaynaynaa in sanadada soo socda tirada dhalinyaradu intaas ka sii badato.”

Sidoo kale gudoomiyaha jaamacad Abaarsho Tech Axmed Xuseen Ciise oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inuu mashruucani qayb ka yahay sidii wadanku horu mar u gaadhi lahaa isla markaana tayo loogu yeeli lahaa bulshada waxaanu yidhi “Mashruuca halkan ka bilaabmaya waa mashruuc qiimo badan noo leh, waayo waxaanu ognahay in mushkiladaha dalkeena haysta ay ka mid tahay shaqo la’aantu, waxaana la ogaaday in waxa horu marka wadamada dedajiyaa ay ka mid tahay in dalka tayada u yeela dadkiisa, dadkana wax bara, mashruucan bilaabmaya ee hablaha u gaarka ah waxa uu ka mid yahay  horu marka dalka, muhiimadiisuna waxa weeye in dhalinyarada halkan ka baxdaa ay u furan tahay laba arimood oo kala ah inaad abuurtaan ganacsi ama aad ay ka qayb qaadataan maaraynta ganacsiga ama aad sii  wadataan aqoontiina jaamacada, sanadka aad halkan ku jirtaana waxa uu idiin xisaabsanaan doona mid jaamacadeed, waana fursad qaaliya, waxaanan idinka doonaynaa haddii aad deeqdan waxbarashada hesheen inaad balan qaadaan inaad ka soo baxaysaan hawshaas.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadashay la talliyaha madaxweynaha ee arimaha haweenka Amaal Xaaji Miisaan taas oo sheegtay inay soo dhawaynayso deeqdan waxbarashada ah la siiyey 26  hablood.

Waxa kale oo Hadalo ka jeediyey Guddomiyaha Ururka Kalkaaliyaasha Caafimadka Marwo Foosiya, iyo Agaasimaha Waxda Dhalinyrada ee Wasarada Dhalinayrada Sayid Cumar waxayna ka hadleen faa’iidada ay waxbarashadu leedahay, waxayna jaamacada Abaarso iyo hay’adaba uga mahad celiyeen dadaalka ay galidoonan.