Jaamac-Shabeel Oo Beeniyay Inuu Iska Casilay KULMIYE

0
874

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay waxa ka jira  warar sheegaya inuu iska casilay xisbiga KULMIYE, iyadoo ay wararku sheegeen inuu muddooyinkan dambe ka maqnaa saaxadda xisbigaas, ka dib tabashooyin uu tirsaday.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Jaamac Shabeel),oo Wargeyska Geeska Afrika wax weydiiyey waxa ka jira is casilaadiisa ayaa  sheegay inaanay wararkaas waxba ka jirin, waxaanu sheegay inuu ka tirsanyahay hoggaanka xisbigaas, waxaanu yidhi  “Waa waxba kama jiraan wararkaasi, wax ka jiraana ma jiraan in aan anigu is casilay, iska casili doono kulmiye, marka wararka la baahinayana in la hubsado weeye, oo warar xaqiiqo ah la baahiyo ayaa haboon, ee ma haboona in warar aan xaqiiqo ahayn oo mala awaala la baahiyo”. ayuu yidhi Mr. Jaamac-shabeel.