Jaaliyadda Somaliland Ee Qatar Oo Si Diiran U Soo Dhaweysay Caaqil Rashiid Jaambiir

0
513

Hargeysa(Geeska)-Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Dooxa ee dalka Qatar, ayaa si balaadhan u soo dhaweeyay caaqil Rashiid Jaambiir oo ka mid ah cuqaasha caanka ah ee caasimadda Hargeysa oo halkaas booqasho ku jooga.

Caaqil Rashiid Jaambiir, waxa soo dhawayn loo dhanyahay loogu sameeyay hudheelka caanka ah ee Madcamul Hargeysa oo loogu sameeyay hadhimo sharafeed kulmisay inta badan haldoorka reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Dooxa, waxaana soo dhawayntaas hadalo ka jeediyay odayaasha iyo waxgaradka reer Qatar.

Caaqil Rashiid Jaambiir oo isna halkaas ka hadlay ayaa jaaliyadda Somaliland uga mahadceliyay sida isku duubnimada iyo midnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu Caaqilku jaaliyadda uga waramay xaaladaha kala duwan ee dalka, gaar ahaan abaarta baahsan ee sannadkan ka dhacay dalka.