Jaaliyada Imaraadka Ee Gobolka Hawd Oo Lacag Ugu Deeqay Dhismaha Waddada Baligubadle Iyo Hargeysa

0
594

Hargeysa(Geeska)-Jaaliyada Imaraadka ee Gobolka Hawd ayaa dhaqaale ay kaga qeyb qaadanayaan dhismaha Waddada u dhexeeysa Hargeysa iyo Magaalo Madaxda Gobolka Hawd ee Baligubadle ku wareejiyey Guddida gacanta ku haysa dhismaha Waddadaas.

Munaasibadii ay ku gudoomayeen Guddida dhismaha Waddadan ayaa waxa ay ka dhacday Hadhwanaag Hotel,lacagtan oo dhameeyd 30-kun oo dollar, ayaa waxa Wakiil uga ahaa Jaaliyada Imaraadka ee Gobolka Hawd, Siciid Cabdi Nuur (Kijaandhe),

Maxamed Maxamuud oo ka mid ah hoggaanka guddiga wadada Baligubadle, isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u diray Jaaliyada Gobolka Hawd ee Imaraadka Carabta, waxaanu ka xog waramay qiimaha ay Waddadani Bulshada u leedahay, waxaanu sidoo kale ku baaqay in si wada jir ah looga wada qeyb qaato oo la is kaashado, isla markaana Murug iyo Maalba loo hiro dhismaha Waddada u dhexeeysa Baligubadle iyo Hargeysa.

waxaana ugu horeyn Munaasibadaas ka hadlay Sheekh Mubaarig Muuse Faarax, oo ka mid ah Guddida gacanta ku haysa dhismaha Waddada, waxaanu mahadnaq aad u balaadhan u soo jeediyey Qurba jooga Imaraadka, oo uu uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay u soo gaadhsiiyeen Lacagtan, waxaanu yidhi “Waxa aanu gudoomaynaa Lacag ka timid Jaaliyada Gobolka Hawd ee Imaraadka, ILLAAHAY SWT ha ka abaalmariyo, hana u barkeeyo halka ay ka soo sareen kheyr ha ugu badalo, Ubadkiina iyo Xoolihiina ha idiin barkeeyo, waxa ay ajiibeen baaqi aanu u dirnay, waxayna ugu tabaruceen Waddada isku xidha Hargeysa iyo Hawd, iyaga oo u kala qeybiyey Wejiyo, waxaana aad ugu faraxsan ahay inay yidhaahdeen wali wey soo socotaa, Lacagta ay na soo gaadhsiiyeena hadda waa 30-kun oo dollar”.

Xildhibaan Deeq Ducaale oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Hargeysa, oo isna halkaas ka hadlay ayaa Bulshada reer Somaliland oo dhan ugu baaqay inay ka wada qeyb qaataan Waddada Gobolka Hawd oo uu sheegay in cid gaar ahi aanay lahayn ee Bulshada oo dhami wada leedahay.

Cabdilaahi Cali Askar oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay cid walba oo gacan ka geystay ama ka geysanaysa Waddada isku xidhaysa  Gobolka Hawd iyo Hargeysa, waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa dadka is xilqaamay ee ka qeyb qaatay dhismaha Waddada, taas oo inoogu fadhida qiimo aad u weyn, waanu garanaynaa Manfaca ay Waddadu leedahay, waana ILLAAHAY mahadii in dadku aanay cid waxba ka sugin ee ay iyagu wax qabsadaan, oo ay isku xisaabtamaan, waxaana aad iyo aad ugu hambalyeynayaa dadka is xilqaamay ee jooga Imaaraadka, waxaana aamisanahay inay Waddadani sida ugu dhakhsaha badan u dhammaan doonto”.

Cabdi Haybe oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadnay jaaliyada Imaraadka ee ka qeyb qaatay dhismaha Waddadan, waxaanu baaq u diray Jaaliyadaha kale ee Gobolka Hawd, oo ugu baaqay inay iyana qeybtooda ka qaataan.

Maxamuud Yogol oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waanu ducaynayaa, waxaana leeyahay ILLAAHAY SWT ha idiin siyaadiyo kheyr-na ha idiinku badalo, Lacagtaas aad ku deeqdeen, Nimanka inoo soo qadimay, inaga oo lacagta ka sugayna iyaga iyo kuwa kaleba aad ayaan u hambaliyeynayaa,waxaad qaadateen duco iyo farxad”.

Eng: Maxamed Muuse, oo Guddida dhismaha Gobolka Hawd ka tirsan oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan u mahadnaqaya dadkii Waddadan u kacay, ee soo gaadhsiiyey heerka ay maanta marayso, oo ay ugu horeeyaan Ganacsatada reer Hargeysa, iyo Tuulooyinkii ka qeyb qaatay sida Ina Cunaaye, Jabaaqo iyo Widhidh, oo iyagu Xoolo ku deeqay iyo qeybo ka tirsan Baligubadle oo iyagu intoodii soo bixiyey,waxna laga sugaayo, waxaan kale oo aan aad ugu mahadnaqaya Faysal Cabdi Xasan iyo Cali Abushaxar, oo iyagu ah dadkii ugu horeeyey, Siciid Kijaandhe oo halkan inala jooga iyo Hablaha UK aad ayaan ugu mahadnaqaya, wali fari kama qadno Waddada, Waddadu waa 64-km, 6-km oo qudha ayaa ilaa hadda la sameeyey, qolada Imaraadku si deg deg ah ayey uga soo jawaabeen baaqi aanu u dirnay, anaga oo nidhi keena 30-kun oo dollar, ayey markiiba keeneen, iyaga oo walibana yidhi waanu sii qeyb qaadanaynaa, Sucuudigana waxa aanu ku nidhi 60-kun oo dollar keena, waana ka sugaynaa”.

Siciid Kijaandhe oo isagu ka mid ah Qurba jooga Gobolka Hawd ee Imaraadka, gaar ahaana ka mid ah dadkii iyagu soo ururiyey Lacagtan, oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Guddida hawshan haysa aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqaya, iyada  oo Lacagtan oo dhan 30-kun oo dollar oo ay ii soo wakiisheen Walaalaha Imaraadka ayaan idiinku wareejin doona”.

Dhinaca kale markii uu Lacagta ku wareejiyey Siciid Kijaandhe Guddida Dhismaha Waddada Baligubadle iyo Hargeysa, iyana ay ku wareejiyeen Foojarkii lacag qabashada.

Ugu dambeyntiina waxa halkaas ka hadlay oo ka duceeyey Sheekh Cabdinaasir Iid Maxamed oo ka mdi ah guddiga, oo  u ducaayey Jaaliyada Imaraadka, waxaanu yidhi “Waxa aanu u ducaynaa Jaaliyada ku abtirsta Gobolka Hawd ee Imaraadka, ee deeqda lacagta ah ee ay kaga qeyb qaadanayaan dhismaha Waddada ina soo gaadhsiiyey, iyo cid walba oo ka qeyb qaadatay, waxaana ILLAAHAY SWT uga baryayaa inuu badal kheyr qaba ugu badalo, waa Sadaqo jaariya, wax la lumaya maaha, sida ugu dhakhsaha badan ee ay inoo soo gaadhsiiyeen, ILLAAHAY SWT waxa aan uga baryayaa inuu sida ugu dhakhsaha badan u siiyo kheyr, miisaanka xasaadkana ugu daro, Waddada oo laga qeyb qaataana waxa ay ka mid tahay waxyaabaha Jannada lagu galo”.