“Jaahwareer Siyaasadeed Oo Inagu Soo Noq-noqda Uma Taag Hayno, Ee Guurtidu Jibada Ha Iska Dayso”

2
1345

Jamaal Jaamac Xaamud

Hargeysa (Geeska)-Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa ka hadaly Shuruucda iyo Sharciyada dalka u yaala, waxaanu tilmaamay in aanay haboonayn oo meesha ku jirin in sida doodo laga yeelo, oo la jabiyo, balse loo baahan yahay in la ilaaliyp, waxaanu ku baaqay in cadaalada iyo sinaanta umadda la ilaaliyo.

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay Mooshinka ay Guurtidu wado iyo saami-qaybsiga, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Sinaanta iyo cadaalada umadda in la ilaaliya waa muhiin, in loo xaqsoora, oo si cadaalada ku dheehan tahay loogu cadaalada sameeya waa muhiim, in sharciga la abaalmaro, oo la iska indhana waa ayaan daro, ee qawaaniinta iyo shuruucda inoo yaala ha la ilaaliyo, oo yaan cidina ku xad gudbin”.

Xoghaye ku xigeenka Waddani mar uu ka hadlaayey Mooshinka Guurtida ayaa yidhi “in la soo koobo muddo xileedkii Xisbiyada, oo Ururadii la furo hadda ima muuqato, tobanka sanno ayaaba ku yar Xisbiyada, oo aanay ku koraynin, maaha in la iska jiboodo, ee waa in la wada tashada, oo la wada hadlaa, oo la yidhaahda waxba la kordhinayaa ama la dhimayaa, laakiin wax ay qolo kaliyi tuurta ku sidato waa laga wanaagsan yahay, jahaweerar siyaasadeed oo inagu soo noq-noqdo uma taag hayno, ee Guurtidu jibada ha iska dayso,oo mar walba dhex ha ahaato”.

Mar uu ka hadlaayey saami-qaybsiga ayaa yidhi “Hawlaha kale ee Doorashada dib u dhigi karaa waa hawlo suke, balse Saami-qaybsiga oo la dhammeeyo mooye, waxba dhammaan mayaan, waana in saami-qaybsiga meel la dhigaa, oo si toos ah saami-qaybsiga loo galaa inta aan Doorashadaba la gaadhin”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here