Iyamaa Guulaysan Doona Cabdiraxmaan Saylici Iyo Muuse Biixi?

0
1239

Picture6Hargeysa(Geeska)-Iyadoo ay shirweynaha KULMIYE ka hadhsanyihiin muddo koobani ayaa waxa mar kale banaanka u soo baxay khilaafka marba la huurinayo ee xisbiga gudihiisa ka dhex jira.

Khilaafkan ayaa soo baxay ka dib markii uu madaxweyne xigeenku kulan deg deg ah isugu yeedhay guddiga fulinta ee xisbiga oo uu ugu baaqay inay gurigiisa kaga arrinsadaan xaaladda xisbiga. Hase yeeshe guddoomiye xigeenka KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa madaxweyne xigeen Saylici ku gacan saydhay shirkaas isagoo ku eedeeyay inuu baalmaray sharciyadii xisbiga, waxaanu shirkaas madaxweyne xigeenku ku baaqay ku tilmaamay mid shirweynaha xisbiga lagu waxyeelaynayo.

Md. Saylici iyo garab la socda ayaa la sheegay inay ku doodayaan in guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu maroorsaday awoodii shirweynaha xisbiga islamarkaana uu wax ka bedelay talooyin lagu gaadhay guriga guddoomiyaha Golaha guurtida. Khilaafyadii hore ee xisbiga ka dhex taagnaa waxay u dhexeeyeen guddoomiyaha xisbiga iyo Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, laakiin khilaafkan iyo muranka hadda soo cusboonaaday wuxuu toos ugu dhexeeyaa Cabdiraxmaan Saylici iyo Muuse Biixi Cabdi, waxaanu  Wasiir Samaale la socdaa Madaxweyne xigeenka, sida uu Maxamed Kaahinba ula socdo Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale waxa la kala safan guddiga fulinta, golaha wasiirada iyo hoggaanka xisbiga.

Khilaafkaas hore ee Muuse Biixi iyo Samaale ka dhex jiray, waloow aan weli loo helin daawo rasmi ah haddana waxa lagu suuliyay go’aamo uu guddoomiyaha Guuritida iyo xildhibaano ka soo jeeda beeshiisu ay kaga odoyeeyeen loolanka xisbiga KULMIYE, iyagoo go’aamiyay inaan Muuse Biixi lagula tartamin guddoomiyenimada xisbgia KULMIYE, marka la gaadho shirweynaha, iyagoo markii dambena ka daba keenay inaan wax ka bedel lagu samayn guddiga fulinta, hoggaanka xisbiga iyo golaha dhexeba, taas oo aan weli la kala ogayn in Muuse Biixi si rasmi ah u aqbalay iyo in kale.

Hase yeeshe khilaafkan maanta taagan ee Saylici iyo Biixi, maaha mid xataa la suuliyay, waase mid u muuqda inuu imika uun baarka la soo baxay, waxaanay labada dhinacba shalay ilaa xalay iyagoo oodahooda wata ay kulamo la yeelanayeen Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah odayga guud ee marjaca u ah xisbiga KULMIYE, waxaana guulaysan doona hadba ninka uu Madaxweyne Siilaanyo iyo kooxaha ku xeerani ay soo dhaweeyaan. Hadba ninka guuldaraystaana wuxuu noqon doonaa baasiin kale oo sii shida khilaafka xisbiga oo marba marka ka dambaysa sii siyaadaya siina kala qaybinaya qaybaha kala duwan ee xisbiga.