Itoobiya Oo Yeelatay Madaxweynihii Ugu Horreeyey Ee Haween Ah Iyo Dumar Taliyey Ee Afrika Oo Afar Noqday

28
3456

Addis Ababa (Geeska)- Gabadhii Afaraad ee darajada madaxweyne ka gaadha Afrika ayaa noqotay Sahle-Work Zewde oo dhowaan dalka Itoobiya ka noqotay madaxweynihii ugu horreeyey abid ee soo mara taariikhda dalkaas.

1. Zewde oo talada madaxweynaha Itoobiya loo doortay  Sale-Work Zewde (Sahluraq Suudi) oo 68 sano jir ah ayaa noqotay 25kii Oktoobar 2018 si rasmi ah u noqotay madaxweynihii Afaraad ee Itoobiya, kaddib markii uu xilkaas banneeyey madaxweyne Mulatu Teshome oo is casilay. Sahle-Work Zewde waxa ay muddo dheer ahayd diblumaasi dalal badan oo Afrika ah dalkeeda danjire uga noqotay, xilka madaxweyne ka horna waxa ay iska soo casishay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee qaabilsan arrimaha midowga Afrika. Sahle-Work horteed saddex haweenka Afrika ka mid ah oo keliya ayaa xilkan sare ka gaadhay dalalkooda. Waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dalka Liberia Ellen Johnson Sirleaf oo sannadkii 2005 noqotay madaxweynihii ugu horreeyey ee haween madow ah ee abid madaxweyne looga doorto dunida oo dhan.

  1. Ellen oo talada dalkeeda qabatay xilli ay dagaallo sokeeye burburiyeen gebi ahaanba dalkan waxa aanay ku guulaysatay in ay in ay ku hoggaamiso geeddi socod dib u heshiisiineed oo dimuqraadiyad ku dhisan. Waxa ay xilka madaxweynaha haysay laba xilli, sannadkan 2018 ka ayaanay si dimuqraaddi ah xilka ugu wareejisay George Weah oo hore u ahaa xiddig kubadda cagta ah oo caalamiya. Ellen Johnson laftigeeda ayaa hore uga soo shaqaysay Qaramada Midoobey, sannadkii 2017 kana waxa ay ku guulaysatay abaalmarinta Ibrahim Prize ee la siiyo hoggaamiyeyaasha Afrika ee maamulwanaagga la yimaadda xilkana si nabadgelyo iyo dimuqraadiyad ah uga dega.
  2. Sannadkii 2012 bishiisii Afaraad waxaa xilka madaxweyne ku guulaystay gabadhii labaad ee Afrikaan ah ee darajadaas gaadh. Waa Joyce Banda oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalka Malawi, waxa aanay xilkan ku guulaysatay kaddib markii ay dhowr jeer oo hore ku guuldarraystay doorashooyin madaxweyne oo ay ka qaybgashay. Muddadii ay xilka haysay waxa ay dalkeeda ka hirgelisay dib u habayn. Waxa ay qaadday tallaabooyin ay u arkaysay in ay dhaqaalaha dalka wax kaga qabato, tusaale ahaan waxa ay iibisay diyaaraddii madaxweynaha, si madaxweynuhu u raaco diyaaradaha rayidka ah ee caadiga ah, sida oo kale waxa ay dhintay mushaharkii madaxweynuhu xaqa u lahaa. Banda xilka madaxweyne ka hor waxa ay ahayd madaxweyne ku xigeenkii dalka Malawi, waxa aanay xilka madaxweynaha ku soo durugtay markii uu madaxweyne Bingu wa Mutharika si kedis ah u geeriyooday. Waxa ay noqotay madaxweynihii Afaraad ee dalka iyo haweenaydii ugu horreysay ee dalkaas hoggaamisa. Laakiin doorashooyinkii dalkaas ka dhacay laba sano kaddib dayaa ay Joyce ku guuldarraysatay.
  3. 4. waxaa jirtay haweenay hore madaxweyne uga noqotay dalka Mauritia oo lagu magacaabo Ameenah Gurib-Fakim. Sannadkii 2015 ka ayaa loo doortay madaxweynaha dalkaas kaddib markii uu soo sharraxay isbahaysi mucaaradku lahaa oo lagu magacaabi jiray Lepep. Waxa ay noqotay madaxweynihii lixaad ee dalka iyo haweenaydii ugu horreysay ee doorasho ku timaadda xilkaas. Waxa se dumar ahaan ka horreeyey boqoradda Ingiriiska Elizabeth 2aad oo xilligii gumaysiga uu dalkani ka mid ahaa dalalka ay maamusho iyo Monique Ohsan Bellepeau oo madaxweyne noqotay muddo bil ah oo u dhexeysay geeridii madaxweynihii ay ku xigtay iyo doorashooyinkii xigay ee madaxweynihii iyada beddelay lagu soo doortay. Ameena muddo markii ay xilka haysay ayaa lagu eedeeyey musuqmaasuq ay ka mid ahayd in ay kumannaan doolar ku bixiso alaabooyinka ay iyadu sida shakhsiga ah u iibsato. Fadeexado musuqmaasuq iyo eedo ahaa in ay awoodaha qaranka danteeda uga faa’iidaysay kaddib, bishii saddexaad ee 2018 ayaa ay ku qasbanaatay in ay xilka bannayso. Awoodaha madaxweynaha Itoobiya Waxaa laga yaabaa in dad badani ay is weydiiyaan awoodaha uu madaxweynaha Itoobiya sharci ahaan leeyahay, maadaama oo la ogyahay in raysalwasaaruhu uu yahay masuulka haya hoggaanka dhabta ah ee dalka. Waxa aynu hoos ku soo bandhigaynaa shaqooyinka muhiimka ah ee madaxweynaha Itoobiya laga rabo, oo imika ay qaban doonto Sahle-Work Zewde: Waxa uu furayaa fadhiyada wadajirka ah ee aqalka wakiillada dadka iyo aqalka faderaalka, fadhigaas oo qabsooma sannad kasta hal mar. Waxa uu ku dhawaaqaa oo uu faafinta rasmiga ah ee dawladda oo la yidhaahdo Negarit Gazeta geliyaa shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah ee uu golaha wakiillada dadku ansixiyo. Kaddib marka uu la tashado raysalwasaaraha, waxa uu magacaabaa danjireyaasha iyo wakiillada Itoobiya ku metelaya dunida. Waxa uu waraaqaha danjirenimo ka qabtaa danjireyaasha iyo wakiillada cusub ee ay dalalka dunidu Itoobiya u soo diranayaan. Waxa uu bixiyaa abaalmarinnaha, shahaado sharafyada iyo hadyadaha si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada dalka. Marka uu raysalwasaaraha la tashado kaddib, waxa uu bixiyaa darajooyinka ciidamada. Si waafaqsan shuruudo iyo habraacyo sharci oo dejisan, waxa uu fidiyaa cafisyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here