Itoobiya Oo La Sheegay Inay Qunsul Cusub Oo Miisaan Leh U Soo Magacawday Somaliland

0
566

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay danjire cusub u soo magacawday xafiiska ay ku leedahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Danjirahan oo aan weli si rasmi ah loo shaacin, ayay warar soo baxay sheegeen inuu yahay danjire Shamsudiin Axmed Rooble.

Danjire Shamsudiin, ayaa ka mid ah diblomaasiyiinta ruug-cadaaga ah ee Itoobiya, waxaanu soo noqday safiirka Itoobiya ee dalalka Djibouti iyo Kenya.

Danjirahan ayaa wuxuu bedelayaa danjirihii hore ee Itoobiya muddo ku dhow tobanka sannadood u fadhiyay caasimadda Hareysa danjire Berehe Tesfaye. Diblomaasigan hore ayaa wuxuu ku suganyahay magaalada Addis Ababa, waxaanu ka mid yahay diblomaasiyiin badan oo ay Itoobiya ka soo bedeshay safaaradaha ay dunida ku leedahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.