Itoobiya Oo Ku Hawlan Qorshe Ay Dekedaha Berbera Iyo Sudan Ugu Soo Wareejinayso Ganacsigeeda Iyo Cidhiidhiga Ay Dekedaha Dalka Djibouti Gelin Karaan

0
928

Addis Ababa(Geesk/W.Wararka)-Iyadoo ganacsiga Itoobiya uu 95%  ku xidhanyahay dekedaha dalka Djibouti, ayaa waxa uu isticmaalka Itoobiya ee dekedaha Djibouti isbedel ku iman karaa, marka ay Itoobiya si rasmi ah u bilowdo inay isticmaasho dekedaha Berbera oo Somaliland ah iyo dekedaha Sudan.

Warbixin uu qoray saxafiga la yidhaahdo Nizar Manek oo degen Addis ababa islamarkaana ka faallooda arrimaha qaarada Afrika, ayaa sheegay  in dawladda Itoobiya qorshaynayso inay balaadhiso adeegyada ay u baahantahay ee bariga iyo badda taas oo marka ay hirgasho 80% dhimaysa ku xidhnaanshaha Itoobiya ee Djibouti. Warbixinta waxa lagu sheegay in isticmaalka Itoobiya ee dekedaha Somaliland iyo Sudan ay sababayso in Itoobiya dekedahaas u wareejiso hawlgaladeeda qiyaastii 80% taas oo sababtuna tahay cidhiidhi iyo mashquul keenaya in dib u dhac ku yimaado shixnadaha Itoobiya ee Djibouti u mara.

Madaxa shirkada Itoobiya u qaabilsan maraakiibta iyo adeegyada saadka ESLSE Mr.  Roba Megerssa Akawak,  ayaa saxafigan u xaqiijiyay qorshahan Itoobiya, waxaanu sheegay in marka ay mashquul iyo cidhiidhi ka dareemaan dekedaha Djibouti ay isticmaalaan dekedda Berbera, “Marka aanu Djibouti kala kulano mashquul, waxaanu bedel ahaan u isticmaalnaa dekedaha Berbera iyo Sudan.” ayuu yidhi Mr. Roba Megerssa Akawak,  oo intaas raaciyay “Qorshuhu wuu inuu balaadhiyo hawlahan.”

Sidoo kale wuxuu Mr. Roba Megerssa Akawak, sheegay in Itoobiya qorshaynayso inay gudaha Itoobiya ka samayso dhul balaadhan oo lagu kaydiyo laguna habeeyo alaabaha soo dega ama ka dhoofaya Itoobiya ka hor intaanay dekedaha jaarka gaadhin. Mid ka mid ah dhulkan balaadhan ee Itoobiya samaynayso oo la mid ah deked oo kale, ayaa loogu talo galay in lagu isticmaalo dekedda Berbera.

Laakiin Itoobiya ayaan weli go’aan rasmi ah ka gaadhin saamiga 19% ah ee laga siiyay maalgashiga dekedda Berbera.