Itoobiya Oo Hawada Ka Saartay Telefishanka HCTV

0
709

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Thaicom ee saldhiga u ah telefishanada Somalida ayaa hawada ka saartay telefishanka HCTV, ka dib markii ay dawladda Itoobiya u qortay warqad cabasho ah oo ay kaga dalbanayso in hawada laga saaro telefishankaas.

1

Masuuliyiinta telefishanka HCTV, ayaa sheegay in dawladda Itoobiya, gaar ahaan maamulka kililka shanaad ee Somalida Itoobiya uu warqad u qoray shirkadda Thaicom isagoo dacwad ka qaba warar uu telefishanku ka baahiyay dhacdadii ka dhacday degmada Gaashaamo ee kililka shanaad oo lagu laayay dad tiro badan oo shacab ah.

Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Itoobiya ka soo saartay arrintan. Sidoo kalena dawladda Somaliland oo uu mulkiilaha telefishani dhalasho ahaan ka soo jeedo ayaan ka hadal arritan.

Geesta kale, waxa shalay magaalada Wajaale, gaar ahaan daanta Itoobiya lagu xidhay weriyayaal kale, iyadoo si gaar ah loola hadhay weriyihii ka socday HCTV, halka kuwii kale la soo daayay.  Guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu xadhiga weriyayaashan kaga hadlay, waxaanu yidhi sidan “Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu xukuumadda Somaliland iyo madaxda Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ugu baaqayaa inay Xorriyadiisa usoo celiyaan Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV, kaasoo isaga iyo afar wariye oo kale ciidamadda Liyuu Booliisku ka kaxaysteen magaaladda Wajaale.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu xaqiijiyey inay wariyayaasha kala ah Muxyadiin Maxamed Daahir Tv-ga Qaranka, Ayaanle Maxamed Xaaji Bulsho Tv, Cilmi Maxamed Jaamac STAR, Caydaruus Axmed Ismaaciil Universal ay Xorriyadoodii dib u heleen, hase yeeshee wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV illaa hada xidhan yahay.

Ururka SOLJA waxa uu mar kale Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay ka hawl-gasho sidii wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim u heli lahaa Xorriyadiisa, sidoo kale waxay uga mahad celinaysaa kooxda la soo daayey sida ay u qaabishay.”